Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Togdheer, Maxamed Diiriye Xaad, ayaa sheegay in Ciidamadda liyuu booliska Kililka shanaad gudaha xadka Somaliland usoo Talkaabeen 18-km.

0
1291

Burco,(Hargeisapress) β€” Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Togdheer, Maxamed Diiriye Xaad, ayaa sheegay in Ciidamadda liyuu booliska Kililka shanaad gudaha xadka Somaliland usoo Talkaabeen 18-km.

Badhasaab ku xigeenka ayaa sheegay in ciidamadda Somaliland ee qalabka sida is baacsadeen ciidanka Liyuu booliska dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya, isla markaana ay xadgudub ku sameeyeen galitaanka xuduudda Somaliland.

Sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu warbaahinta ugu waramayey magaaladda Burco ee gobolka Togdheer, ka dib markii uu safar ka soo laabteen dhinaca deegaanadda xuduudda ku teedsan gobolka Togdheer ee ay la leeyihiin dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya.

“Waxaanu soo marnay aniga iyo wefti aan hogaaminayey deegaanadda ku teedsan xuduudda aynu la leenahay Itoobiya, waxaanu waraysanay maamulka degmadda Duruqsi, waxaanay noo sheegeen in afar gaadhi ciidamadda liyuu booliska Kililka shanaad gudaha u galeen magaaladda Duruqsi, waxaanay ciidankaasi u sheegeen inay u socdaan arrimo nabadgalyo daro, dadweynihii deegaankaasi way ka cadhoodeen ciidamadaasi sharci darada ku soo galay xadka Somaliland,”ayuu yidhi Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xaad.

Waxaanu intaas ku daray. “Waxaanu ka dibna tagnay degmadda Xaaji Saalax, waxaana halkaasi ugu tagnay ciidankii Liyuu booliska oo biyo ka dhaansanaya barkadihii magaalada ku yaallay oo aan cidnaba wax iskaga tirinaynin, markiiba ciidaankeenu way ku dageen way eryadeen waxaana ay damceen in ay qoryaha ka dhigaan, laakiin Way ka baxeen xadka oo dhinacooddii bay u gudbeen oo magaalada meel ka baxsan bay u gudbeen”

Badhasaabku wuxuu sheegay in 18 km ku soo xadgudbeen gudaha Somaliland, waxaanu yidhi ” waxa aanu mitirinay masaafada ay xadka uga soo gudbeen oo 18 KM gaadhayso ayey xadkeena soo galeen, nimankaasi ciidanka Liyuu boolisku waxay fulinayaan siyaasad ka baxsan ta dawladda Fadaraalka iyo dawladda Somaliland”

Sidoo kale,Badhasaab ku xigeenku waxa uu sheegay in intii ay kormeerka ku jireen ee Xadka ku wareegayeen uu gaadhi ciidan ah oo ka tirsan ciidamada Somaliland uu gaadhi la qalibmay, islamarkaana dhaawacyo ka soo gaadheen ciidamadii.

Dhinaca kale, dadweynaha xuduudaha ku teedsan ayaa iyaguna is hubeeyey, kuwaas oo ka cadhaysan ciiidamada ka soo talaabay xuduudda,isla markaana uga cawday maamulka gobolka Togdheer.

Si kastaba ha ahaatee, sida wararka aanu ka helayno Ciidanka Liyuu Boolisku ayaa la sheegayaa in ay raadinayeen ciidamo ka soo baxsaday Liyuu booliska oo soo gallay gudaha Somaliland, inkastoo wararkaasi aan la hubin.

 

wariye:-sakariye cabdiraxmaan ibraahin x.cabdi

sakariye@faylasoof.tk

hargeisa press

burco office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here