Madaxweynaha Jubbaland ayaa magacaabay Guddiga doorashada Jubbaland

0
1100

Kismaanyo, (Hargeisapress) — Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe) ayaa magacaabay Guddiga doorashada Jubbaland, kuwaasoo Maamuli doona Doorashada Xubnaha labada Aqal Baarlamaan ee Soomaaliya oo ka dhici doonta magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe, wareegtada magacaabidda ku sheegay in xubnahaan uu magacaabay, kaddib markii uu wada-tashiyo la yeeshay ku-xigeennadiisa iyo odayaasha dhaqanka ee maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, Madaxweyneaha Jubbaland ayaa sheegay in guddigan ay si toos ah ula shaqeyn doonaan guddiga doorashada heerka Faderaal ee uu horey u magacaabay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, Waxaana ay noqon doonaan kuwa qabanaya shaqada ugu badan.

Haddaba, Guddigaan oo Siddeed Xubnood ka kooban ayaa Waxay magacyadoodu kala yihiin;

  1. Cabdi Cali Raage
    2. Maxamuud Xasan Cilmi
    3. Maxamed-weli C/llaahi Cumar
    4. Maxamed Cusmaan Gaab
    5. Axmed Maxamed Cumar
    6. Xasan Maxamed Xasan
    7. Ladan Xirsi Ismaaciil
    8. Khadiija Maxamed Ibraahim

Ugu dambeyn, Xubnahan ayaa lagu biirin doona saddex qof oo kale, kuwaasoo oo ay soo magacaabi doonaan Madaxda maamulka faderaalka ah Soomaaliya, maadaama ay kala shaqeyn doonaan arrimaha doorashada.

 

hargeisa press

kismaanyo office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here