Xukuumadda Somaliland oo waxba Ka Hadashay Ciidamo La Sheegay Inay Isu-dhiibeen Maamulka Puntland

0
1014
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Mudane Ciise Axmed Yuusuf

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka wasaarradda gaashandhiga mudane Ciise Axmed Yuusuf ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xubno ka tirsan ciidanka qaranka oo maamulka Puntland ay sheegeen inay isu dhiibeen.

Wasiirka oo qaarka mida warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wakhtigan ay Somaliland ka kortay ciidamo goosta oo kolba meel iska dhiiba.

Wasiirka wasaaradda gaashandhiga mudane Ciise Axmed Yuusuf isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Qaarka mida ciidamada qaranka Somaliland oo meel u goostay ma jiraan waana warar been abuura oo warbaahinta lagu baahiyay, waana been abuur, ciidanka qarankuna tiro iyo cadad ayuu leeyahay, ciidan naga maqan oo ciidanka qaranku tabayaana ma jiro, nimankaasi la leeyahay Puntland ayay ugoosteena waxba kama jiraan, hore ayay u dhacday kuwa aan ciidamadeena aheyni intay dhar gashadaan inay yidhaahaan ciidamada qaranka Somaliland ayaanu ka mid nahay, wax ciidana oo goostayna ma jiraan wakhti ciidamo wax goostaana imika waynu ka koray”

“Deegaanku waa deegaankeygii, waana deegaan Somaliland anaa tagaya wakhtiga sanad guurada 18-ka may, Ceerigaabo, Badhan iyo Kalshiiba waan tagayaa”Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda gaashaandhiga mudane Ciise Axmed Yuusuf

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here