Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Qandaraaska Qaranka + SAWIRRO

0
990
Golaha Wakiilada Somaliland PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress) —Fadhigii Saaka ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa waxa ay mudaneyaashu cod ku ansixiyeen xeerka Qandraasaadka qaranka oo ay doodiisu dhamaatay.

Xeerkan ayaa waxa ka hor inta aan la ansixinin uu guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad uu cadeeyay in uu muhiimad gaar ah u leeyahay qaranka isla markaana ay dhawri doono sinaanta Iyo dhawrista Hantida qaranka.

Waxa xeerkaasi ogolaaday 40 xildhibaan, 1 Xildhibaan ayaa diiday waxaana xeerkaasi ka aamusay laba xildhibaan, sidaas ayaanu ku ansaxay oo uu ku meel maray xeerka Qandaraasaadka qaranka ee horyaalay golaha wakiiladda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland oo waxba Ka Hadashay Ciidamo La Sheegay Inay Isu-dhiibeen Maamulka Puntland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here