Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Inay Guul Ka Gaadhay Maamulka Hawadeeda

0
1543

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumada Somaliland, ayaa waxaa ay sheegtay in ay guul weyn ka gaadhay maamulka hawadeeda, islamarkaana ay adeegyo siisay tiro badan oo diyaarado ah.

Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, ayaa waxaa ay eedaymo culus u jeedisay Maamulka Soomaaliya.

Waxaanay ku eedaysay in ay faafinayso warar been abuur ah oo sheegaya in Somaliland ay khalkhalisay hawada, haseyeeshee taa badalkeeda ay Somaliland si hufan u maamulayso hawada.

Somaliland waxay hay’adda duulista Soomaaliya ku tilmaantay mid aan garanayn shuruucda iyo nidaamka hawada loo maamulo.

Waxanay sheegtay in ay ka danbaysay dilkii Cabdinaasir Muuse Dahable, ayna dilkiisa ku wanjalayso saaxiibadii oo aan danbi lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here