Xukuumadda Somaliland Oo Markii U Horeysay Shaacisay Inay Telefeeshinka Qaranka Iyo Idaacadaba Ay Ka Bixi Doonan Wararka Xisibiyada Mucaaradka Ah + Muuqaal.

0
964

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahir Saxardiid Cadaani oo uu dhawaan madaxwayne siilaanyo u magacaabay wasiirka warfaafinta ayaa markii u horeysa shaaca ka qaaday inay telefeeshinka iyo idaacada qarankaba ay ka bixi doonaan wararka xisbiyada mucaaradka ah.

 

Waxaana uu wasiirku hadalkan ka jeediyay munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxmed Daahir Cukuse iyo wasiirka cusub ee dhawan madaxwayne siilaanyo usoo magacaabay wasaaradda warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, waxaana uu wasiirku sheegay inay waxii maanta ka danbeeyey ay wararka xisbiyada mucaaradku ay ka bixi doonaan telefeeshinka qaranka Somaliland iyo idacadaba waxaana uu yidhi.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

“Xisbiyada mucaaradka ah saxaafada wasaarada warfaafinta ee dawladu way u adeegaysaa waanay u shaqaynaysaa waxii maanta ka danbeeya, waayo waxaynu nahay dal dimuqraadiya hadaynu dimuqraadi nahayna dee haday iyagu soo diran waayaan wararka aniguna ku qasbi maayo laakin haday waxooda soo dirtaan waa balan waan sii daynaynaa”Sidaas ayuu yidhi wasiir Cadaani

Wasiir Cismaan Cadaani isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi

 

“Waxaan leeyahay xisbiyada mucaaradkow saxaafada halkan wasaarada warfaafinta ee dawlada waxbaad ku leedihiin, sidoo loogu tallo galay Ayaan u wadaynaa inkaste oo ay haysato shuruucda iyo nidaamka hadana idinku waxba kama duwanidin, soona dirsada wararka, saxaafada warfaafintuna waa qayb idinka mida waanan soo daynaynaa anagu insha allah”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiirka warfaafinta Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxaardiid Cadaani.

 

Si kasteba ha ahaate waa markii u horeysay ee xukuumada Somaliland ogolaato inay telefeeshinka qaranka iyo idaacadaba ay ka baxaan wararka xisbiyada mucaaradkan tan iyo intii ay jirtay xukumada madaxwayne siilaanyo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here