Xukuumadda Somaliland oo Ka Digtay Roobab Mahiigano Ah oo Ku Soo Fool Leh Dalka

0
1466

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay digniin culus ka soo saartay khatarta Roobab waa weyn oo mahiigaano ah oo ku soo fool leh dalka.

Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaana sidoo kale bulshada uga digay khataraha ay keeni karaan Roobabkaasi waa weyn oo uu sheegay in ay ka di’i doonaan deegaanada Somaliland.

Wasiirka ayaa bulshada ku booriyay in ay ka digtoonadan safarada ay ugu kala gooshayaan gobolada Somaliland, isagoo ciidamadana ugu baaqay in ay xil iska saaran, bad baadada dadka safar ka ah.

“19 iyo 20 April waxa inagu soo aadan sida ay saadaashu sheegtay roobab aad u waa weyn, oo ku aadan magaalada sheekh, Maroodijeex iyo Awdal markaa waxanu uga digayna dadka shacabka ah in ay aad uga digtoonadan” ayuu yidhi wasiirku.

“Waxan ka codsanayaa ciidamada qalabka sida, in ay ilaaliyaan baabuurta dadka u kala gooshaya gobolada” ayuu wasiir ku hadalkiisa ku daray.

Roobka guga ayaa qaar kamida gobolada Somaliland ka curtay maalintii shalay iyadoo robabku ay ilaa maanta ka da’ayaan gobolada galbeedka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here