Barnaamijka Afur-kalkaal Oo Raashin Loogu Qaybiyay 50 Qoys Oo Kamid Ah Qoysaska Danyarta Ah Ee Ku Nool Hargeysa + SAWIRRO

0
928

Hargeysa,(HargeisaPress)–Barnaamijka Afurkalaal Oo Ay Soo Agaasimeen Dhalinyaro Mutadawaciin Bisha Barakaysan ee Ramadaan Ayaa Raashin loogu Qeybiyay Qoysaska Danyarta ah Kaasi oo ay iska Kaashadeen Aqoonayahan, iskood isku Abaabulay, oo Kamid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Gudaha Dalka iyo Dibadiisaba ku Sugan ayaa Maanta u Qeybiyay 50 qoys oo Kamid ah danyarta Ku Nool Caasimada Hargeysa, Raashin Ku Filan oo Loogu talagaley in ay Ka baxaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Qoysaska loo Qeybiyay Raashinkan, oo u Badan kuwa aan Awoodin in ay Dabka Shitaan, ayaa siweyn uga Mahad Celiyay Raashinka ay Soo gaadhsiiyeen Dhalinyarada Afurkalkaal iyadoo ku tagalku yahey in la Gaadhsiin Doono, ilaa 1000 Qoys oo Danyar ah mudada lagu Gudajiro Bisha barakaysan ee Ramadaan, Iyadoo ay Maanta bilaw u aheyd 50 Qoys oo Danyarta kamid ah Ialamarkaana, ay Kaalmadani ka daboolayso kaalin Muhiim ah oo ay Baahi Weyn u Qabeen kadib Marka loo Fiiriyo sida ay ugu Farxeen Raashinkaasi Caawimada ah ee Loo qeybiyay.

Waxa kale oo Deeqdani, ay Kaalinta Xasanaadka u galaysaa dhalinyardaa aqoonyahanka ah ee Afurkalkaal oo iyagu si iskood ah isku Xil qaamay in ay Bisha Barakaysan ee Ramadaan Gaadhsiiyaan 1000 Qoys oo Kamid ah Bulshada Danyarta ah ee aan Awoodin in ay Raashin intaa leeg Soo iibsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here