Xukuumadda oo Soo Af-jartay Shaqaaqo Ka Dhacday Deegaanka Daarasalaam

0
806

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa heshiish ku soo dhamaysay shaqaaqo hore uga dhacday degaanka Daarasalaam ee Waqooyiga magaalada Hargeysa.

Dhacdadaas shaqaaqada ah ee dhexmartay labada beelood ee walaalaha ah, ayaa waxaa ku dhintay laba Marxuum.

Kulanka heshiishkan oo ka qabsoomay xafiiska Guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex Maxamed Cilmi Axmed, ayaa lagu saxeexay heshiish lagu dhameeyey dhacdadii degaanka Daarasalaam, iyagoo labada dhinac kagaga heshiiyey labada Marxuum in ay kala qaataan Magaha.

Xukuumadda, Waxgaradka labada dhinac, ayaa ka shaqeeyay heshiiskan beelaha walaalaha ah ee ay shaqaaqadu ku dhexmartay degaanka Darasalaam oo dhanka Waqooyi ka xigga magaalada Hargeysa.

Inta badan shaqaaqooyinka dhaca, ayaa salka ku haya isqabqabsiga dhulka, gaar ahaan dhul daaqsimeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here