Caalamka oo Markale Ka Gaabiyay Tilmaamidda Dhinaca Diidan Xalka Khilaafka Laascaanood

0
1916

New York (Hargeisa Press)- Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay oo ka hadlay xalka khilaafka magaalada Laascaanood, ayaa markale ka gaabiyay tilmaamida dhinaca diidan xal ka gaadhisteeda xaaladda Laascaanood.

Kulan khamiistii Golaha Amaanku ka yeeshay Soomaaliya, ayaa dhaamntood xalka khilaafka Laascaanod ku sheegeen in xabad-joojin iyo wadahadal loo maro, inkastoo aanay sheegin dhinaca diidan xalka khilaafka.

Xukuumada Somaliland oo muddo shan bilood horteed soo jeedisay xabadjoojin dhinaceeda ah iyo in khilaaf kastoo jira miiska wadahadalka lagu dhameeyo, ayaa nasiib daro se Garaadada iyo Waxgaradka gobolka Sool ay diideen aqbalaadeeda.

“Wax badan ayaa loo baahan yahay si loo gaadho xabad joojin, si loo hakiyo rabshadaha ka socda Laascaano, Somaliland, loona ogolaado loona fududeynta gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladeyn, iyo in la bilaabo wada hadal wax ku ool ah oo lagu xaliyo khilaafka.” ayuu yidhi Ergeyga Mareykanka ee Qaramadda Midoobay.

Sidoo kale, xubnaha Golaha Amaanka oo mowqifka Somaliland ee xalka khilaafka mid la mid ah soo jeediyey, ayaan weli dhinac kale ku dhiiran inay cadeeyaan dhinaca diidan xalka khilaafka Laascaanood.

Khilaafka Laascaanood oo dhibaato badan ka soo gaadhay shacabkii magaalada ka qaxay, ayaa xukuumada Somaliland marwalba diyaar u ahayd taakulayntooda, marar kala duwana taakulayn raashin ku gaadhsiiiyeen deegaamadii ay u soo qaxeen ee gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here