Xukuumadda oo Culimada Ugu Baaqday Ka Hadalka Tacadiyada Haweenka

0
996
Wasiirka Shaqo Gelinta iyo Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Qaranka
Wasiirka Shaqo Gelinta iyo Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Qaranka

Hargeisa (Hargeisa Press) — Xukuumadda Somaliland,ayaa culimo awdiinka dalka ugu baaqday in ay ka hadlaan oo ay bulshada ka wacyi geliyaan dhibaatooyinka haweenka ka dhanka ah ee lagula koco.

Wasiirka wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshadda Somaliland Mustafe Cabdi Bile, ayaa culimada usoo jeediyay in ay bulshada u iftiimiyaan in aanu Diinta Islaamka wax xidhiidh ah in aanu la lahayn gudniinka Fircooniga ah ee hablaha yar yar lagu la koco oo ah dhibaato ku taxan nolosha gabadha yaraanteeda lagula koco isla markaana ay ka dhaxasho dhibaatooyin cawaaqib xumo ku ah nolosheeda oo dhan.

Waxuu wasiir Mustafe Godane sheegay in higsi iyo bartilmaameed laga leeyahay ka hortagga dhaqamada iyo caadooyinka soo jireenka ah ee haweenku ay la kulmaan, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in Barnaamijkan GIZ uu ka shaqayn doono meelo kala duwan.

Wasiirka ayaa culimadda dalka usoo jeediyey in ay dadka ka wacyigeliyaan, una sheegaan in aanu waajib diini ah ahayn tacadiga haweenka, gaar ahaan gudniinka Fircooniga ah, madaama oo waalidka sameeya falalkaasi ay u haystaan in ay arrin diini ah tahay.

Dhanka kale, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo isna goobtaas ka hadlay ayaa soo jeediyey in bulshadda laga wacyigeliyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka ee soo jireenka ah, waxaanu tilmaamay in ay xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Wasiirka shaqo gelinta iyo wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta ayaa hadalkan ka sheegay daah furka Barnaamijka ka hortagga tacadiyada Haweenka oo magaaladda Hargeysa laga daah furay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here