Qaramada Midoobay iyo Ururuka Qareenada Haweenka Ee Somaliland oo Iska Kaashanaya Sidii Ay Haweenku Fursad Ugu Heli Lahaayeen Nidaamka Cadaaladdda

0
1453
Qaramada Midoobay iyo Ururuka Qareenada Haweenka ee Somaliland
Qaramada Midoobay iyo Ururuka Qareenada Haweenka ee Somaliland

Hargeisa (Hargeisa Press) — Waxda Haweenka Qaramada Midoobay iyo Ururuka Qareenada Haweenka Somaliland (SWLA) ayaa iska kaashanaya sidii ay haweenka fursad wanaagsan ugu heli lahaayeen nidaamka cadaaladdda iyo in sare loo qaado awoodda haweenka ee dhinaca sharciga.

“Haweenka Qaramada Midoobay waxa ay ku faraxsan yihiin in iskaashiga iyaga iyo SWLA uu gacan ka geysan doono sidii ay awoodsin dhinaca sharciga ah u heli lahaayeen dadka sida weyn xuquuqdooda loo duudsiiyo iyada oo loo marayo tababbaro la siinayo dadka is xilqaama, la siiyo taageero dhinaca sharciga ah iyo in la sameeyo isbahaysiyo abaabula bulshada, sameeya ol’ole siyaasadeed oo dhinaa sharci dejinta ah,” ayuu yidhi Sadiq Syed oo ah maamulaha waaxda Haweenka Qaramada Midoobay.

Mas’uulka Qaramada Midoobay waxa uu ka hadlayey bilowgii toddobaadkan caasimadda Somaliland ee Hargeysa xilli lagu dhawaaqayey mashruuc loogu magacdaray ‘Fursad u heliida haweenka ee cadaaladda iyo awood u siinta dhinaca sharciga ee haweenka iyo gabdhaha Somaliland,’ kaas oo ay fulinayaan Waaxda Haweenka Qaramada Midoobay oo kaashanaysa SWLA xilli dhaqaalaha ay baxinayaan uu bixinayo sanduuqa Multi-Partner Trust Fund (MPTF) iyo Joint Program on the Rule of Law.

Gudoomiyaha ururka Qareenada Haweenka ee Somaliland ee SWLA, Ifraax Aadan Maxamed ayaa hoosta ka xarriiqday awood u siinta dhinaca sharciga ee haweenka Somaliland iyada oo xustay shaqada SWLA. Ururukan waa urur sharci oo is xilqaan ah kaas oo sare u qaada xuquuqda haweenka iyada oo  loo marayo in la xoojiyo fursadda ay u helaan cadalaadda. Waxa uu sidoo kale taageeraa dadaalada dhex dhexaadinta iyo dib u heshiisiinta, waxa uu bulshada u abaabulaa barnamijyada taageerada shacriga, waxa ay wax ka qabtaan gabood falada la xidhiidha jinsiga, waxa uu sidoo kale u ol’oleeyaa siyaasadda sharciyada awoodda siiya haweenka.

Sida uu qabo Haweenka Qaramada Midoobay, in meesha laga saaro waxyaabaha caqabada ku ah in haweenka ay fursad u helaan cadaaladda iyo in la xoojiyo sarreynta sharciga waxa ay udub dhexaad u tahay in awood sharciyadeed la siiyo haweenka Somaliland. Sababo ka xidhiidha wacyi-galin la’aan iyo fursadaha loo helo hay’adaha cadaaladda oo yar iyo iyada oo loo arko ceeb, haweenka waxa ay inta badan wajahaaan caqabado la xidhidha sidii ay fursad ugu heli lahaayeen nidaamka sharci si ay u aqoonsadaan xuquuqdooda ka muwaadin ahaan.

Haweenka, dhallinyarada iyo kooxo la tokooro waxa ay gaar ahaan caqabad kala kulmaan sidii ay fursad ugu heli lahaayeen hay’adaha cadaaladda, tani waxaa sabab u noqon kara wacyi-galinta la xidhidha xuquuqda qof leeyahay oo aan jirin ama hay’adaha oo meesha aan ka jirin amaba ama helidoda aan la awoodin.=

Mashruucan Waaxda Haweenka Qaramada Midoobay iyo ururka Qareenada Haweenka ee Somaliland ee SWLA oo xarumo ku leh Burco, Gabiley, Boroma iyo Hargeysa waxa uu ka koobnaan doonaa abaabulida bulshada iyo ol’ole wacyi-gali ah, bixinta adeeg garsoo oo lacag la’aan ah oo ay ka faa’iideysan doonaan ugu yaraan 300 oo haween ah kuwaas oo aan iska bixin Karin dhaqaalaha sharciga iyo dhisidda aqoonta iyo in 400 oo haween ah, oday dhaqameedyo, rag iyo dhallinyarada la siiyo tababbaro.

Waxaa intaas dheer, mashruuca waxa uu qorsheynayaa xoojinta xidhiidhka haweenka is xilqaamay si ay wacyi galin u sameeyaan iyo dabagalka  iyo ka soo warbixinta kiisaska la xidhiidha tacadiyada ka dhanka ah xasaradaha jinsiga iyo nooc kas ah oo ah takoor lagu koco haweenka.

“Waa muhiim in la xaqiijiyo sinnaanta jinsiga ee garsoorka iyo waaxda ammaanka,” waxaa sidaas yidhi Md. Syed, xilli uu sidoo kale meesha ka sheegay khibradda uu u leeyahay shaqada haweenka qareenada ah ee dalka Afghanistan, Sudan, Ciraaq iyo wadamo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here