Xukuumadda oo Baadhaysa Tacadiyo Nin-Ajaanib Ahi U Geystay Muwaadin U Shaqaynayay

0
1134

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, ayaa baadhaysa tacadiyo nin Ajaanib ahi u gaystay muwaadin u shaqaynayay, kaas oo warkiisa lagu baahiyay baraha bulshadu ku xidhiidho, isla markaana hadal hayn badan ka dhex dhaliyay bulshada.

Wasiirka wasaarada shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile, iyo agaasimaha waaxda shaqadaΒ  Mukhtaar Yuusuf Maxamed, ayaa kulan xog-waraysi ah la qaatay Daa’uud Cismaan Maxamed oo ah muwaadin muuqaalkiisa lagu baahiyay baraha bulshada, kaas oo ay hadalo dhex marayeen shaqsi ajaanib ah.

Sidoo kale, waxa ay sheegeen in baadhista tacadiga loo gaystay muwaadinkan warbixinteeda ay dhawaan bulshada Somaliland la wadaagi doonaan, iyada xuquuqda labada dhinacba la ilaalinayo.

Wasaaradda, ayaa geesta kale bulshada Somaliland u dirtay fariin la xidhiidha in muwaadiniinta iyo ajaanibta sifadda sharciga ah ku joogta waddanka in ay dhacdooyinka khuseeya arrimaha shaqada ay si toos ah ula soo socodsiiyaan waaxda shaqada ee wasaaradda, si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah -31/2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here