Xukuumadda Djibouti iyo Shirkadda DP World oo ka hadlay Natiijada go’aankii Maxkamada UK

0
773
Djibouti's President Ismail Omar Guelleh (R) and the Chairman of the global marine oprator DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem (L), walk to the official launch 11 November 2006 of the construction of a new container terminal in Djibouti. AFP PHOTO/MARCO LONGARI

Djibouti, (HargeisaPress) —Xukuumadda Djibouti iyo Shirkada DP World ee laga leeyahay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Maamusha Dekedaha Djibouti ayaa ka hadlay Maanta Go’aankii Maxkamadda Britain ee Shalay ay ku sheegtay in Maal-qabeenka Reer Djibouti, C/raxmaan Boorre lagu waayay Dambiyadii lagu soo eedeeyay, loona Fasaxo lacagaha kaga xayiran Caalamka.

 

War-saxaafadeed ay Maanta soo Saartay Xukuumadda Djibouti ayay ku Sheegtay in ay aad uga niyad-jabtay Xukunkii Arbacadii shalay kasoo baxay Maxkamadda UK, isla markaana aysan ku Qanacsanayn Natiijada xukunka iyo garsoorihii xukunka riday.

Warsaxaafadeed_Jabuuti_iyo_DP_World_Xukunkii_Maxkamadda_UK

 

“Jamhuuriyadda Jabuuti, Waxay si dhaqso ah ugula Tashanaysaa Qareennadeeda, Sida ugu Habboon ee ugu Wanaagsan ee ku qaadi karto tallaabo, taasoo ay ku jirto Suuro-galnimada inay rafcaan ka qadato xukunkaas,” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka Jabuuti.

 

Ganacsade C/raxmaan Boorre ayay Xukuumadda Jabuuti ku eedeysay inuu Musuq-maasuq iyo dambiyo kale uu faraha kula jiray, Laakiinse Maxkamadda ayaa sheegtay in dambiyada lagu soo oogay C/raxmaan Boorre ay ku wayday. Waxaana Ganacsadahan Xukunka kaddib uu Saxaafadda u sheegay in dambiyadii lagu oogay oo dhan ay ahaayeen kuwo siyaasadeed uuna soo Abaabulay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle si Sucaddiisa uu ugu baabi’iyo.

 

Sidoo kale, Xukuumadda Jabuuti ayaa War-saxaafadeedkeedan ku sheegtay in Julian Flaux oo ahaa Xaakimkii Maxkamadda Britain uu u dhaqmay si ka baxsan Garsoorenimada, kana Tallaabsaday Sharciyada Waddankiisa; isla markaana uu xooray gabi ahaan eedeymihii loo haystay C/raxmaan Boorre.

Djibouti's President Ismail Omar Guelleh (R) and the Chairman of the global marine oprator DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem (L), walk to the official launch 11 November 2006 of the construction of a new container terminal in Djibouti. AFP PHOTO/MARCO LONGARI
Djibouti’s President Ismail Omar Guelleh (R) and the Chairman of the global marine oprator DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem (L), walk to the official launch 11 November 2006 of the construction of a new container terminal in Djibouti. AFP PHOTO/MARCO LONGARI

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Jamhuuriyadda Jabuuti, Waxaa ka go’an sii wadista dacwadaha ka dhanka ah; C/raxmaan Boorre, waxaana rajo ka qabnaa inaan ku guuleysan doonno, eedeymaha loo haysto Boorre Qaarkood waa kuwo aanay Xukuumadda Jabuuti ka Harayn Weligeed,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

 

Dhanka kale, Shirkadda DP World oo Maamusha Dekedaha Jabuuti ayaa War-saxaafadeed ay iyaduna Maanta soo saartay ku dhaleeceysay Xukunka Maxkamadda UK ay soo saartay, iyadoo hoosta ka xariiqday inay difaaci doonto Xukuumadda Jabuuti.

 

“Xukunkaan maxkamadeed waa mid lagu dhaleeceynayo Dowladda Jabuuti, isla markaana lagu baabi’iyay dacwadihii ka dhanka ahaa ganacsade Boorre, waxaan caddeynaynaa inaan garab-istaagi doonno Xukuumadda Jabuuti, illaa dacwaddan ay kaga Guuleysanayso,” ayaa lagu xusay War-saxaafadeedka Shirkadda DP World.

 

Ugu dambeyn, Xaakimka Maxkamaddii Britain ee shalay xukunka soo saartay Julian Flaux ayaa dhankiisa sheegay in xukuumadda Jabuuti aysan maxkamada keenin Marqaatiyaal ku filan eedeymaha loosoo jeediyay Ganacsade Cabdiraxmaan Boorre, Sidaas awgeedna ay ku Adkaatay inay Dacwaddaan sii wadaan muddo kale, Maadaama uusan Madaxweyne Geelle keensan Markhaatiyaashii laga sugayay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here