Xukuumada oo Wada Qorshe Waxbarasho Lacag La’aan Ah Loogu Raadinayo Caruurta Askarta iyo Qoysaska Danyarta Ah

0
1016

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland ayaa wadda qorshe lloogu raadinayo Waxbarashada Jaamacadaha oo lacag la’aan ah, Carruurta Askarta, kuwa Shaqaalaha Dawladda, iyo Qoysaska Danyarta ah ee aan awoodin in ay carruurtooda ka bixiyaan lacagta jaamacadaha.

Qorshahan dawladdu waddo oo soo maray marxalado kala duwan ayay shalay si gaara uga hadleen, guddi hoosaadka ilaalinta iyo daba-galka hanti Qaran ee golaha wakiilada iyo wasiirku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland.

Kulan ay yeesheen shalay ayay isla gorfeeyeen, sidii loo ogaanlahaa jaamacadaha dawladda ardayda ay qaataan ee ay siiyaan waxbarashada bilaashka ah in ay yihiin kuwii ku habboona waxbarashada lacag la’aanta ah iyo in ay jiraan kuwa ka mudan, waxaanay isla qaateen in waxbarashada lacag la’aanta ah loogu horeysiiyo carruurta ay dhalleen ciidamadu, kuwa shaqaalaha dawladdu iyo qoysaska jilicdasan.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka iyo daba-galka hantida Qaranka ee golaha Wakiillada Somaliland, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi Siraadle isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi.  “Ujeedada ugu weyn ee aanu halkan isugu nimid waxaa weeyaan arrinta ku saabsan jaamacadaha dawladda ee siddeedda Jaamacadood ah, ee dawladdu leedahay sidii hantida ay gacanta ku hayaan iyo ardayda helaysa waxbarashada lacag la’aanta ah ee ay ka siinayaan, dadka danyarta ah shaqaalaha, iyo ciidamada waa arrin ku saabsan ilaalinta hantida Qaranka.

Arrintan oo aanu uga mahad celinayno dhiirigelintii uu siiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, oo sida aad ka warqabtaan muddooyinkii ugu danbeeyay ilaalinta iyo soo xero-gelinta hantida dawladda, dhismayaasha, dhulka, aad og tihiinba muddadii saddexdii sanno ee ugu danbeeyay, in ay shaqo joogta ah aheyd.

Imika waxaa jira Jaamacado badan jaamacadahaasi waxaa ay ku jiraan hanti dawladdeed, hantidaasi dawladeed in dib la isula eego, oo la diwaangeliyo, umuddana looga faa’ideeyo annaguna aanu isugu nimid, wasaaradda waxbarashadu kaalinta ugu weyn ayay ka qaadatay, waxaa aanu uga mahad celinaynaa wasiirka iyo wasiir ku xigeenka, maalin dhaweyd waad ogaydeen in uu baahiyay in ay isla garteen laba iyo toban iyo badh boqolkiiba ardayda galaysa jaamacadaha dawladda in ay lacag la’aan wax ku baranayaan, waa tallaabo hore loo qaaday, oo wasaaradduna ku dhiiratay.

Guddidan iyo hay’addahan hanta dhawrka, xisaabiyaha guud, ay nagu daba joogeen”

Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarahada iyo sayniska Md.Axmed Xasan Nuur (Taajir) ayaa is dultaagay cidda mudan in la siiyo waxbarashada lacag la’aanta ah ee ay bixin doonaan jaamacadaha dawladdu. “Wixii ay dawladdu leedahay waa Hanti Qaran, hanti Qaranna waa lagu shaqeeya oo waxba lagu bartaa, waa in laga warhayaa waxaa dawladda lexe jeclo gaara waa in loo yeeshaa, waxaa ku soo biira waa in la ogaada, ardayda ay jaamacaduhu qaadanayaan waa in la ogaada, ma askariba dhalay, ma qof danyar ahba dhalay waa in la ogaada oo laga warhayaa”

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here