Muuse Biixi Oo Qaabilay Wakiilka Taiwan U Fadhiya Somaliland

0
1214

Hargaysa (Hargeisa Press): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka xafiiska Taiwan ku leeyahay magaaladda Hargaysa.


Gaar ahaan caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaraadaasi.


Kulankaasi Waxa lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada dal.


Sidoo kale waxa lagu lafo-guray sidii dalka Taiwan uga caawin lahaa Dalka Somaliland mashaariicda biyo balaadhinta magaalooyinka siiba dhinaca qodista biyo xidheenada ama dhaamamka iyo sidii dalalka Somaliland iyo Taiwan isaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.


Iyadoo dalka Taiwan uu Jamhuuriyadda Somaliland ka gacan siinayo una fudaydiyo in Ardayda Somaliland ay ka helaan dalkaasi waxbarasho bilaash ah (Scholarships).


Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka iyo dawladiisaba dedaalka ay ugu jiraan adkaynta xidhiidhka labada Dal.


Waxaa madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiir ku xigeenka arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here