Banaan-baxyo Waa Weyn oo Ka Dhan Ah Madaxweynaha Faransiiska oo Ka Dhacay Burco

0
2044

Burco (Hargeisa Press) – Banaanbaxyo waa weyn oo lagaga soo horjeedo hadaladii Islaam naceybka ahaa ee uu jeediyay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Boqolaal kamid ah dadweynaha Burco oo iskugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada ayaa sitay boodhadh ay ku qoran yihiin odhaahyo ka dhan ah Faransiiska iyo madaxweynaha dalkaasi.

Dadkaasi dhigayay banaanbaxa oo qeyb ka ahaayeen ganacsatada magaaladaasi ayaa sheegay inay ku biireen ololaha lagu qaadacayo alaabta Faransiiska, isla markaana ay joojin doonaan alaabaha uga yimaada.

Dadweynahaasi ayaa sidoo kale gubay sawirada madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo isagu maalmihii u dambeeyay umadda Islaamka hawada u maraniyay hadalo uu ugu gafayo diinta suubaan iyo Nebi Muxamed NNKH.

Macron ayaa wuxuu Islaamka ku tilmaamay ‘diin qalalaase ku jirta’, isla markaana wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu ku sheegay in uu kaga hortagayo ‘Islaamiyiinta doonaya gooni u goosadka’, taasi oo ka cadhaysiisay umadda Islaamka ee dunida.

Dunida Islaamka ayaa waxaa sare uga sii kacaya baaqyo ku aadan in la qaadaco badeecadaha Faransiiska, kadib hadalada gefka ah ee kasoo yeedhaya madaxweyne Macron ee uu wacadkana ugu maray ‘inaanu ka tanaasuli doonin’ sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH.

Marnaba Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah lagu muujiyo Nebiga NNKH, waana sababta keentay in hadalka Macron ay si weyn uga gil-gishaan ugana cadhoodaan umadda Muslimka ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here