Xujaaj Reer Somaliland Ah Oo Muddo Ka Badan 24 Saac Ku Go’doosan Madaar Ku Yaala Magaaladda Jiddah

0
824

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xujaaj u dhalatay jamhuuriyada Somaliland oo tiradoodu dhan tahay 140 xaaji ayaa muddo ka badan 24 saacadood ku xaniban madaar loogu tala galay inay dadka xujayda ahi ka dhoofaan oo ku yaala magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga.

 

Qaar kamida ah dadka xujaajta ah ee u dhashay jamhuuriyada Somaliland oo lasoo xidhiidhay wargeyska Jamhuuriya xalay waxay sheegeen inay ku dhibaataysan yihiin gudaha madaarka oo qurshuhu ahaa inay kasoo dhoofaan arbacadii todobaadkan,balse halkaasi ku gu’doonsanaayeen ilaa saqdii dhexe ee xalay kadib markii ay la kulmeen maamul xumo dhanka duulimaadka ah.

 

“Waxaanu ku xaroonay madaarka  habeenkii arbacada oo qorshuhu ahaa inaanu soo dhoofno,balse dhibaatooyin badan ayaa halkaasi nagu qabsatay anaga oo ah xujaaj ka kooban ilaa 140 xaaji oo reer Somaliland ah,dhibkuna wuxuu nagaga yimi maamul xumo iyo masuuliyad darro ay nagula kaceen diyaaradihii aanu ku qornayn”sidaasi waxa yidhi mid kamida xujaajtii oo wargeyska Jamhuuriya lasoo xidhiidhay.

 

Waxa kale oo uu sheegay inay ku dhibaataysan yihiin gudaha madaarka oo cimiladiisuna aad u kulushay,iyada oo ay dadka xujaajta ahina ku jiraan dad waayeel ah oo jilicsan oo qaarkood dhinaca laxaadka naafo ka yihiin,waxayna caddeeyeen inay xidhiidh la sameeyeen masuuliyiinta wasaarada arimaha xajka ee dalka sucuudiga,kuna wargeliyeen inay muddo dheer ku go’doonsan yihiin gudaha madaar ku yaala magaaladda Jiddah.

 

“Masuuliyiinta aanu xidhiidhka la  samaynay ee aanu dacwadayada u gudbinay waxay noo sheegen inay sida ugu dhakhsaha badan noogu diyaarin doonaan diyaarad na qaada ilaa bari (Jimcaha Maanta) hadii alle yidhaahdo,hadii kale ay magaalada dib noogu soo celin doonaan isla markaana ay na dajin doonaan qaar kamida hudheelada dawlada  sucuudiga  maamusho ilaa inta duulimaad naloo helayo”sidaas ayuu yidhi xaajiga soo gudbiyay dhibaatooyinka ay kala kulmeen dhoofkooda.

 

Dadka xujaajta somalida ah gaar ahaana kuwa kasoo jeeda jamhuuriyada Somaliland ayaa inta badan la kulma dhibaatooyin dhanka duulimaadyada ah wakhtiyada ay kasoo laabanayaan gudashada xajka,iyada oo ay dad xujaaj ah ay diyaaradii siday ku rogtay madaarka Jabuuti,kadibna ay rakaab kale u qaaday dhinaca imaaraadka carabta todobaad ka hor,arrintaasi oo muujinaysa sida ay diyaaradaha ganacsigu ugu tagri falaan dadka xujaajta ah.

 

Dadka reer Somaliland ee xujaajta ah kuna xanniban madaarka Jiddah ayaa tilmaamay inay aad uga xun yihiin dhibaatooyinka ay kula kaceen diyaaradaha safarkoodu ku qornaa,waxayna walaac ka muujiyeen in aanay si dhaba u ogayn wakhtiyada ay dib ugu laabanayaan dalka Somaliland,madaama ilaa saqdii dhexe ee xalay wax jawaab ah ka helin masuuliyiinta wasaarada arimaha xajka ee sucuudiga iyo diyaaradaha ay ku qornaayeenba.

 

Jamhuuriya

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here