“Dimuqraadiyaddu Waxay Ahayd Marxalad Adag Oo Aanu Soo Marnay Lakiin Waanu Kasoo Gudubinay Oo Hadda Ayaynu Bilawnay Marxalad Cusub Oo La Yidhaa ” Maraxaladda Doorasho La’aanta”Muj Cali Gurey

0
783

Hargeysa, (HargeisaPress) —Muj Cali Guray gudoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga UCID ayaa waxaa uu ka hadley xaaladaha doorashooyinka Somaliland iyo sidii ay wadamada beesha caalamku gaar ahaan qaadhan bixiyayaashu ay Somaliland uga soo gacan qabteen doorashooyinka.

 

Cali Gurey ayaa hoosta ka xariiqay inaan la doonayn in dalkan doorashooyin xor iyo xalaali ka dhacaan balse doorashoba doorashada kale u dhiibayso,sidoo kalena waxa uu aad ugu mahad naqay qaadhaan bixiyayaasha caalamka iyo beesha caalamka oo uu sheegay in dimuqraadiyadii ka hana qaaday Somaliland ay kaalin ku lahaayeen.

 

Muj Cali Gurey ayaa arinkan kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyay mid kamida baraha ay bulshadu ku kalanto Waxaana uu u dhignaa sida tan.

 

“Dimuqraadiyaddu waxay ahayd marxalad adag oo aanu soo marnay lakiin waanu ka soo gudubinay oo hadda aynu bilawnay marxalad cusub oo la yidhaa ” Maraxaladda Doorasho La’aanta” taas oo nuxurkeedu yahay in aan la qabanin doorashooyinka laakiin la sheego in la qaban doono. Doorashooyinku waxay noqon doonaan kuwo is riixa oo doorasho weliba ay ta kale dib u riixdo si aanay hore ugu durkin ta ka horaysa oo aanay isu duqaynin. Marka ay doorasho doorasho riixdo waa in ay sugtaa tii kale si ay dib ugu riixdo. Maxaa wacay yaa dib u riixi doona haday soo degdegto? Ma iyadaa is riixi karta?

 

Sidaa daraadeed waanu u mahadnaqaynaa bulshada caalamka siiba qaadhaan bixiyayaasho sidii ay noo soo gacan qabteen marxaladii adkayd ee dimuqraadiyadda oo runtii la’aantood ay nagu adkaan lahayd in aanu ka soo gudubno. Marxaladda Doorasho La’aanta ma yaqaanaan dalalka hore u maray waayo may gaadhin lakiin way gaadhi karaan hadii ay ka soo gudbaan marxaladda dimuqraadiyadda ee habsaamisay. Markaa marxaladdan cusub uma laha waayo aragnimo oo waxba nagama tari karaan lakiin xagaa kharashka uun ha noogu yaboohaan”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here