Xog Laga Helay Socdaalkii Wasiirka Maaliyada Itoobiya Ku Yimi Somaliland

0
1481

Hargeisa (Hargeisa Press)- Weftigii uu hoggaaminayay wasiirka Maaliyadda ee dalka Itoobiya Axmed Shide, ee socdaalka ku yimid Somaliland, ayaa dib ugu laabtay dalkooda, khamiistii, ka dib markii ay habeen u hoyden magaalada Hargeysa.

Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay socdaalka weftigan oo Madaxweyne Biixi la yeeshay kulan ay albaabadu u xidhanyihiin iyo mid ay goob-joog ahaayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiiradu. Laakiin warar xogogaal ah ayaa xaqiijiyay in ujeedada ugu weyn ee socdaalka Wasiirka maaliyadda Itoobiya salka ku hayay dardargelinta heshiiskii dekedda Berbera ee ay Itoobiya ku lahayd saami ah 19% oo tan iyo markii uu Raysal wasaare Abiy Ahmed talada qabtay u muuqday mid hoos loo dhigay oo dhaqdhaqaaqiisii yaraaday. Waxa kale oo uu u socday is waafajinta cashuuraha ganacsiga iyo jidka Berbera Corridor.

Xogaha ayaa sheegay in Raysal wasaare Abiy oo toddobaadkii hore socdaal ku tagay dalka UAE ay madaxda UAE wax ka weydiisay heshiiskii dekedda Berbera ee ay ku midaysnaayeen DP World oo leh 51%, Somaliland oo leh 30% iyo Itoobiya oo leh saami ah 19%, waxaanay xoguhu sheegeen in socdaalka Wasiir Axmed Shide ahaa jawaabta socdaalkii uu Abiy Ahmed ku tagay dalka UAE.

Xogaha laga helayo ayaa sheegay in Wasiir Shide ay Madaxweyne Biixi sidoo kale ka wada hadleen qorshaha uu Abiy Ahmed ku doonayay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo keeno magaalada Hargeysa ee Somaliland oo uu Madaxweyne Biixi khudbadii uu Baarlamaanka u jeediyay ku gacan saydhay.

Wasiir Shide, ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Biixi u sheegay in qorshaha Itoobiya ahaa niyad wanaag, balse aanay uga jeedin cadaadis iyo in xaaladu sii xumaato, waxaanu sheegay inay arkeen dareenka ka dhashay qorshaha Raysal wasaare Abiy Ahmed.

Waxa ay xoguhu sheegeen inuu muuqdo inuu halkaas ku istaagay fikirkii uu Raysal wasaare Abiy Ahmed watay uu ku doonayay inuu Farmaajo ku keeno Hargeysa, laakiin si rasmi ah looma xaqiijin karo in Raysal wasaare Abiy Ahmed hakiyay fikirkiisa iyo inuu sidaas ku laalay.

Geesta kale, warbixinta β€˜Week in the horn’ ee ay jimce kasta soo saarto wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxa shalay lagu soo hadal qaaday raaligelintii Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay xasuuqii Siyaad Barre iyo soo dhawaynta Madaxweyne Biixi. Waxaanay tidhi β€œMadaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raaligelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadadii Siyaad Barre. Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah.”

Wasaaradu waxay xaqiijisay kulankii Addis Ababa ku dhex maray labada madaxweyne waxaanay sheegtay in dhawaaqa Madaxweyne Farmaajo ee uu raaligelinta ku bixiyay ay ka mid tahay talaabooyinkii u dambeeyay ee loo arkay isfaham ay labada dhinac gaadheen, β€œToddobaadkii hore, labadoodu markii u horaysay waxay kulan albaabadu xidhanyihiin ku yeesheen Addis Ababa.” Ayay warbixintu ku soo gunaanaday.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here