Xisbiyada Qaranku Maxay Kaga Duwanaayeen Ururada Siyaasada..!. Mohamed Gacayte

0
845
Mohamed Gacayte. Photo File

UCID: Ma Xisbi Qaran Buu Ahaa Mise Urur Siyaasadeed?  Siyaasi Maxamed Aadan Gacayte kana mid ah masuuliyiinta Xisbiga Ucid ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay farqiga u dhexeeya Xisbiyada Qaranka iyo Ururada Siyaasada Somaliland, marka ay timaado furista ururada siyaasada oo 10 kii sano ba mar la qabto.

 

Hadaba qoraalkan hoose kaga bogo:-  ka hor doorashadii dawladaha hoose ee 2012 waxa ay gudidda diiwaangelinta ururada iyo xeer ilaalintu waxay ku dhawaaqeen in xisbiyada UDUB, KULMIYE iyo UCID ay yihiin xisbiyo qaran oo jira toosna u tartameyaan oo aan looga baahneyn in ay dalab cusub soo qortaan sida ururada cusub ee doonayay in u tartamaan xisbinimo. dhamaan ururada siyaasada waxa lagu xidhay inay buuxiyaan shuruudo lagu kala saarayo oo ay kamid ahaayeen 1. Feega Diiwaangalinta Ururka $25,000.00 Dollar, 2. In ururku xafiisyo ku leeyahay dhamaan gobolada iyo degmooyinka doorasho ee dalka, 3. Dadweyne tiradoodu dhantahay 1,000 oo madax taabasho ah IWM. Shuruudahaasi waxay ku koobnaayeen oo kaliya Ururada Siyaasada, Xisbiyada Qaranka wax shuruudo ah oo loogama baahnayn waayo hore waxay u ahaayeen xisbiyo qaran.

 

Xisbi qaran waxa kaliya oo uu lumin karaa xisbinimadiisa hadii uu ku hadho tartanka doorashada golayaasha. UCID isagoo xisbi qaran ah oo sharciyeysan buu ka qayb qaatay tartanka doorashada, guushii u ka soo hooyey doorashadii dawladaha hoose waxay dib u cusboonaysiisay mar labaad  Xisbinimadiisii (xisbi qaran). Wax laysku qaldi karo maaha Urur iyo Xisbi, qof kastana wuu garanayaa umadana maaha in caqligeeda la caayo. Dhanka kale waxa jirta Guddi Qaran oo la yidhaa Guddida Diiwaangalinta Ururada iyo Axsaabta Qaranka, Magaca guddidan ayaa inagaga filan kala duwanaanshaha labadaas. Waxaan taageerayaasha xisbiga UCID iyo Bulshada Somaliland u sheegayaa inaanay ku jahawareerin hadaladaas Xisbiga Ucid ahaa Xisbi Qaran Go,aanada ka soo baxayna yihiin wax sharci ah oo aan u baahnayn in dib loo sharciyeeyo.

 

Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen Waa Mid Sharci ah Waxaana Lagu Doortay Kalfadhigii Gole Dhexe Xisbiga Ucid ee Qabsoomay 28 Oct. 2012, Go,aanadii Kasoo Baxay Isla Kalfadhigaas Kuna Saxeexan yahay Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe, Loona Gudbiyay Dhamaan Hay’adaha ay Khusayso.

 

Go,aan Gole Dhexe Ansixiyay Cidina Ma Badali Karto. Waxaan Ugu Baaqayaa Dhamaan Taageerayaasha Musharax Jamaal A. Xuseen iyo Bulshada Reer Somaliland Waxba Kama Badali Karo Hadalka Faysal, Awooda ugu saraysa ee Musharax Dooran kartaa Waa Gole dhexe, Waanay Doorteen Dibna Looma Burin Karo. Faysal waxa uu Gudoomiye ku yahay Sharci oo Shirweyne ayaa lagu doortay, Jamaal na Waxa uu Musharax Ku yahay Sharci oo Kalfadhi Gole Dhexe ayaa Doortay.

 

 

Alaa Mahadleh

Mohamed Adan Gacayte

Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here