Ololaha Doorashooyinka Madaxtinimo Ee Dalka Djibouti Oo Si Xowli Ah Uga Socdo Magaalooyinka Djibouti + SAWIRRO

0
1227

Djibouti, (HargeisaPress) —Waxaa ka socdo magaalooyinka waaweyn ee dalka Jabuuti Ololaha doorashooyinka madaxtinimo ee ka qabsoomi doonto dalka Jabuuti sanadkan gudahiisa.

 

Mas’uuliyiinta heer gobol, heer degmo iyo shacabka Carta ayaa dibadbaxa ololaha xisbiga UMP ee Jabuuti lagu taageerayay ka muujiiyay kalsoonida ay siinayaan inay mar kale cod-kooda siiyaan Madaxweyne Geelle oo ay ku Tilmaameen inuu Jabuuti gaarsiiyay Horumar ballaaran.

8-15 (1)

Khudbadihii laga jeediyay isku soo baxan Taageerada ah ka sokow, Waxaa iyana madasha lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo dhamaan lagu muujinayay taageerada loo hayo Xisbul Xaakimka UMP, oo u muuqda midka dhaqdhaqaaqa ugu weyn ka wada guud ahaan dalka Jabuuti.

Ololaha Doorashooyinka djib

Isku-soo-baxa maanta magaalada Cartan lagu qabtay waxaa uu qaybka yahay ololayaasha musharaxiinta u sharraxan hoggaaminta Jabuuti ay ku qabanayaan gobollada kala duwan ee Jabuuti, kaasoo galay maalintiisii afaraad.

5-26

Xisbiyada kale ee mucaaradka Jabuuti ayaa iyana dhankooda wada ololayaashooda, iyagoo shacabka taageersan kula hadlay Magaalada Jabuuti iyo gobollada kale ee Dalka, Waxaana dhammaantood ka go’an inay ku tartamaan doorashada Madaxweynaha ee Jabuuti ka dhaci doonta horraanta bisha soo socoda ee Abril.

0-10

Dhanka kale, dalka Jabuuti oo ah dal ku yaalla Geeska Afrika, ayaa waxaa shantii Sannaba mar ka dhacda doorashada madaxweynenimada iyadoo dhowr jeer oo is xiga dadka Jabuuti doorteen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay sheegeen inuu yahay mas’uul Jabuuti ka qabtay hawlo badan oo la taaban karo.

2016328635947735027815340Grabbed Frame 10

Ugu dambeyn, Doorashada Hoggaanka Dalka Jabuuti ayaa dhacaysa 08-da Bisha Abril ee sannadkan 2016, iyadoo murashaxiinta u taagan ay illaa lix musharax gaarayaan, kuwaasoo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Muna Yusuf —  Djibouti

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here