Xisbiga WADDANI Oo Degmada Dilla Deeq Raashin Ah Ku Gaadhsiiyey 500 oo Qoys oo Abaarahu Saameyeen + SAWIRRO

0
1089

Dilla, (HargeisaPress) β€”Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta deeq raashin ah ah oo isagu jirta bariis, daqiiq iyo sonkor gaadhsiiyey 500 oo qoys oo danyar ah oo ku nool degmada Dilla ee gobalka Awdal ku waasi oo muddooyinkii dambe ay si xoogga u saamaysay abaarahii ka jiray deegaanada Galbeedka Somaliland.

476fd3c9-73c1-4de5-bf44-ae8087041209

Guddoonsiintii deeqdan raashinka ah oo uu ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, mas’uuliyiinta heer degmo ee xisbiga WADDANI, odeyada, wax-garadka, madaxdhaqameedka iyo dadweynaha ku dhaqan degmada Dilla ee gobalka Awdal.

60d2a0f3-5987-4e95-8f24-68ec40e8b7c8

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ugu horeyn guddoonsiintii deeqda ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan aad ugu faraxsan yihiin in ay deeqdan raashinka ah soo gaadhsiiyaan dadka danyarta ah ee ay saameeyeen abaarahu, waxaana uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin in ay mar walba dadka danyarta ah la barbar istaagaan wixii karaankooda ah.

a0dfc610-ec20-4397-ae53-9716f54dac14

β€œFarxad weyn ayey noo tahay in aanu maanta deeqdan gaadhsiino dadkan danyarta ah oo runtii ah dad aad u tabaalaysan oo ay saameeyeen abaarahu, annagu xisbi mucaarad ah ayaanu nahay dhaqaale badan oo aanu wax ku bixino ma hayno, se hadana wixii karaankayaga ah ee aanu hayno marnaba ka hagran mayno dadkan jilicda san, waxaana aad naga guddoontaan deeqdan raashinka ah”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

ba0087b0-6a17-4a2d-9a66-27557a870151

Qaar ka mid ah odeyada, wax-garadka iyo dadka danyarta ee deeqdan la gaadhsiiyey oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa xisbiga WADDANI, gaar ahaan guddoomiyaha xisbigaas iyo mas’uuliyiinta kaleba uga mahad-celiyey deeqdan raashinka ah, waxaana ay carabka ku dhufteen in xisbiga WADDANI uu ku soo beegay bixinta deeqdan wakhti ay si xoogga u saamaysay abaaro iyo biyo la’aan ka taagan deegannadaasi oo ay baahi u qabeen cid soo caawisa.

bd52e7d1-c3d8-4083-83ae-698ce873e1da

β€œAad iyo aad ayaanu dhammaantayo xisbiga WADDANI, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Md.Cabdiraxmaan Cirro aanu uga mahad-celinaynaa deeqdan raashinka ah ee ay nasoo gaadhsiiyeen, waanu ka guddoonay, waanu ka guddoonay, xisbiga WADDANI waxa uu deeqdan nooggu soo beegay wakhti aanu aad baahi ugu qabnay oo ay abaaro xooggi na hayee, Illaahayna waxa aanu xisbiga WADDANI iyo madaxdiisaba uga baryeynaa in uu muraadkooda siiyo.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid a dadkii halkaas raashinka looggu qeybiyey.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here