Xisbiga Waddani oo Dalbaday In Sharciga La Horkeeno Askar Dhibaato Gaystay

0
504

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga mucaaradka Waddani Maxamed Faarax Cabdi, ayaa waxaa uu ka dayriyay in xukuumadda Somaliland talaabo cadaaladeed ka qaado, falka lagu wax yeeleeyay wariyayaasha kala ah Cabdisalaan Germany iyo Cali Mahdi Jibriil.

Waxaana uu xogyahu sheegay in xukuumaddu aanay hore uga jawaabin dacwad ay ka gudbiyeen dad isaga iyo saraakiil xisbiga ka tirsan handadaad u gaystay.

Xoghayaha, ayaa waxaa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay sharciga hor keento, askartii sirdoonka ka tirsanaa ee jidhdilka u gaystay wariyayaashaas.

Maxamed Faarax Cabdi, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in shacabka Somaliland ay ogyihiin siday wax u socdaan islamarkaana ay xukuumadda hal xidhaale ku tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here