Madaxweyne Biixi oo Ku Faanay Hal Arin oo Ay Somaliland Ilaalisay

0
767
Madaxweyne Biixi

Washington (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu ku faanay in ay Somaliland qaybta ay dunida kaga taalo ay ilaalisay, islamarkaana ay rabto in xidhiidh ay la yeelato caalamka iyo Mareykanka si layskaga kaashado sugida amaanka mandaqada istiraatijiga ah ee ay Somaliland ku taalo.

Waxaa kale oo uu Madaxweynahu sheegay in weftigiisa uu hoggaaminayaa ay ka shaqaynayaan sidii Somaliland loogu furi laha wada shaqaynta dhaqaalaha.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in uu Mareykanka ugu safray, si uu dadka Mareykanka uga dhaadhiciyo qadiyada Somaliland, in uu ku qanciyo in uu Maraykanku Somaliland la yeesho xidhiidh dibulumaasiyadeed iyo mid amni.

Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay Jaamada George Washington University, ayaa sheegay in Somaliland ay dhistay dowladnimadeeda imikana ay diyaar u yihiin in ay caalamka ku qanciyaan in Somaliland ay tahay dowlad jirta oo aqoonsi ka rabta beesha caalamka.

“Halkan waxaanu u nimid in aanu dadka Mareykanka iyo aqoonyahakooda u sharaxno qadiyada Somaliland, hiigsigayaga ugu wayni waxa weeyaan in aanu helno aqoonsi caalami ah,  30 sanno waxaanu dhisaynay gudahayaga, hadana waxaanu rabnaa in aanu dadka ku qancino in meesha dowladi ka jirto” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ay dalkooda dib u dhiseen, kadib burburkii ay u gaysatay dowladii kacaanku, isagoo sheegay in ay dhismaha Somaliland kasoo bilaabeen meel aad u hoosaysa.

“Somaliland waxay dib u dhistay magaalooyinkeedii iyo xarumihii waxbarashada, ma malayn kartid waxaanu soo marnay, ciidankii cashuurtayada laga masruufayay, ayaa dakan dakan ka dhigay magaalooyinkayaga 1988, waxaanu ka soo bilownay iyadoo aanu jirin xafiis dowladeed, isbitaal iyo ciidan amaan toona” ayuu yidhi madaxweyne Biix.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay waardiyaha Badda Cas, “Waxaanu nahay waardiyayaasha Badda Cas ka ilaaliya argagixisada, sidaad ogtihiin Geeska Afrika waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo argagixiso oo badan, Alshabaab, Daacish iyo kuwo kale, waxaanu leenahay xeeb dhererkeedy dhanyahay 840 KM, 33 kii sanno ee lasoo dhaafay wax budhcad badeed ah laguma arag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here