“Xisbiga Kulmiye wuxuu noqon doonaa ANC-ga Somaliland…” C/casiis Samaale

0
438

Burco (HP): Siyaasi C/casiis Maxamed Samaale, oo ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in Kulmiye uu Somaliland ka noqon doono sida xisbiga ANC ee mudadda dheer ka dhisan dalka South Africa.
Waxaanu Samaale, xisbiga Kulmiye ku sifeeyay mid mudo dheer ka dhisnaan doona Somaliland, isla markaana uu laba jeer ku guulaystay doorashadda madaxtooyadda Somaliland.
Isagoona rejo weyn ka muujiyay in xisbiga Kulmiye uu ku guulaysan doono doorashooyinka danbe kursiga madaxtooyadda mar saddexaad, mar afraad, iyo mar shanaad ba.


Siyaasi C/casiis Maxamed Samaale, waxa uu sidan la sheegay mar uu hadal ugu jeedinayay xalay magaaladda Burco taageereyaasha magaaladaasi oo ay kulan la yeesheen.
Isagoona C/casiis Samaale, ka mid ah wefti ballaadhan oo ka socda xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), oo safar shaqo ku maraya Togdheer.


Waxaanay weftigaasi xalay kulan ballaadhan oo la isku xog waraystay, isla markaana cududda taageero ee xisbiga lagu muujiyey la qaateen taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer.
C/casiis Maxamed Samaale, oo la hadlayay dadweynihii xafladaasi joogay ayaa sheegay in Burco ay ku suntan tahay xisbiga Kulmiye, isla markaana uu Kulmiye aasaasa madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Waxaanu C/casiis, taageereyaashii madasha joogay u sheegay Axmed Siilaanyo, oo caanka ah geyiga Soomaalida oo dhan uu ku suntan tahay taariikhda iyo aasaaska Kulmiye, sidoo kalena ay Burco ku suntan tahay Kulmiye.

DAAWO: Hadalka C/casiis Maxamed Samaale:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here