Wasiirro Safar Shaqo Ku Soo Marray Degaamo Ka Tirsan G/Saaxil

0
436

Laasciidle (HP): Wefti wasiirro iyo masuuliyiin kale isugu jiray oo uu hogaaminayay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaai Aadan Cilmi, ayaa safar shaqo ku soo maray degaamo ka tirsan gobolka Saaxil.

Weftigaasi wasiirrada ah waxaa ka mid ahaa wasiirka wasaarada Cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, iyo masuuliyiin kale.


Waxaanay weftiga wasiirrada ahaa soo kormeereen degaamadda dhaca xeebka bari ee gobolka Saaxil, kuwaas ay ka mid ahaayeen Laas-ciidle, Xididaalay, Raaribul iyo Huluul, oo dhamaantoodba ka tirsan gobolka Saaxil.
Safarka weftiga wasiirrada ayay u jeedadiisu ahayd arrimo la xidhiidha adkaynta amaanka iyo xasiloonida deegaamadaasi, kaasoo ay ku soo gaalaa bixiyeen meelahaasi kala duwan.
Weftiga wasiirrada ah waxaa safarka ku wehelinayay badhasaabka gobolka Saaxil iyo xubno ka mida xildhibaanada golaha deegaanka degmada Berbera.


Geesta kale weftiga wasiirrada ah ayaa intii ay ku guddo jireen kormeerkoodda waxay kulamo la qaateen cuqaasha, waxgaradka, waayeelka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan degaamadaasi.
Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo la hadlay bulshadii ay kulanka la qaateen ayaa ku booriyay in ay ku dedaalaan adkaynta nabad-geliyadda, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan wax kastoo keeni kara dhibaato amaan darro.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, ayaa u balan qaaday waxgaradka, iyo odayaasha ay kulanka la qaateenn in ay xukuumadu diyaar u tahay wax ka qabashada baahida addegyadda ay qabaan.
Isagoona ku adkeeyay madax dhaqameedka, iyo waygaradka in ay bulsho ahaan isku duubnaadaan, isla markaana ay xukuumadda iyo maamulka gobolka Saaxil ba ku garab siiyaan ilaalinta iyo adkaynta amaanka deegaankoodda, si qy u fududaato in mashaariicda horumarinta laga fuliyo deegaamadoodda.


Dhanica kale odayaasha, waxgaradka, iyo madax dhaqameedka ay wasiirrada iyo masuuliyiinta kale kulamada la yeesheen ayaa balan qaaday in iyagoo isku duuban ay diyaar u yihiin in ay xukuumadda kala shaqeeyaan wax kastoo carqalad ku ah nabad-geliyadda, isla markaana ay ka go’an tahay ka hor taga iyo wax ka qabashada wax kastoo lidi ku ah amaanka deegaankoodda.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here