Maydka Marxuum Ku Geeriyooday Dhaam Biyoodka Gabiley Oo La Soo Saaray

0
389

Gabiley (HP): Maydka marxuum shalay ku qar-qoomay Dhaam biyoodka ku yaalla woqooyiga magaaladda Gabiley ayaa maanta lagu guulaystay in la soo saarro.
Kadib muddo 24 saacadood ah oo biyaha dhaamkaasi laga dhex raadcaynayay maydka marxuumkaasi oo shalay duhurnimadii ku geeriyooday.


Marxuumkaasi ku geeriyooday Dhaam-biyoodka Bohol-qawle, oo magaciisa la odhan jiray Caydaruus Sheekh Cumar sheekh Ibraahim, ayaa ka tirsanaa ciidanka Dab-demiska magaaladda Gabiley.

Waxaana la sheegay in marxuumku uu shalay dhaamka u tegay si uu ugu soo dabaasho, hase yeeshee markii uu muddo ku dabaalanayay biyahaasi ayaa mar qudha la waayay.
Sida ay warbaahinta u sheegeen askar ilaalo ka ah dhaamkaasi, kuwaasoo xusay in ay marxuumka u ogolaadeen inuu dhaamka ku dabaasho.
Isku dayo fara badan oo lagu baadi goobayay helitaanka maydka marxuumkaasi ayaan lagu guulaysan, ilaa gabal dhicii shalay.
Baadi goobkaasi oo ay ka qayb qaateen Quusayaasha kala yimid Berbera iyo Saylac, iyo Ciidanka Badda, Ciidanka dad-damiska Qaranka.
Balse maanta gelinkii hore ayaa lagu guulaystay in biyaha dhaamkaasi laga soo dhex hello maydka marxuum Caydaruus sheekh Cumar Ibraahim.
Sidoo kale waxaa hawl-galkii baadi doonta maydka marxuumka goob joog ka ahaa intii uu socdayba maamulka gobolka Gabiley iyo ka degmadda Gabiley.

Geesta kale badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka qoyska, ehelka, qaraabadda, iyo ciidanka dab-demiska Gabiley ee uu ka tirsanaaba.
Sidoo kale badhasaabka ayaa u mahad celiyay ciidamadii, iyo hawl wadeenadii, kala duwanaa ee ka qayb qaatay baadi goobkii marxuumka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here