Xilliga iyo Goobta Lagu Aasayo AUN Guddoomiye Eng Yariisow oo La Shaaciyay

0
667
Muqdisho (Hargeisapress)- Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in aas qaran loo sameyn doono Allaha u naxaristee guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqa caasimadda Muqdisho, Marxuun Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo shalay ku geeriyooday magaalada Doxa ee dalka Qatar.
Muddo saddex maalmood ah ayaa Soomaaliya oo dhan uu galay baroor-diiq iyada oo calanka hoos loo dhigay, waxaana dowladda Soomaaliya ay guddi u saartay aaska qaran ee marxuun Cabdiraxmaan Yariisow oo ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay 24ka bishan xarunta dowladda hoose ee Xamar.
“Meydka guddoomiyaha diyaar gaar ah ayaa ka qaadeysa maalinta Sabtida magaalada Doxa, anniga iyo qoyska oo kooban 13 qof ayaa raaci doona, madaxda qaranka waxay ii sheegeen isla Sabtida in la aasi doono.” ayuu yidhi safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar, Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano).
Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxatisto marxuun Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo siyaasadda dalka muddo dheer ku soo jiray xilal kala duwana soo qabtay.

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here