“Xukuumadda Waxaa La Gudboon In Ay Eexda iyo Cadaalad Darradda Ka Gudubto oo Dadku Si Siman…” Maxamed Xaashi

0
659

Hargaisa (HargeisaPress): Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa xukuumadda talladda Somaliland haysa ku dhaliilay in ay bulshadda  kula kacday cadaalad darooyin iyo eex oo lagu kala xulanayo dadka wadanka u wada dhashay.

Waxaanu ugu baaqay xukuumadda in looga baahan yahay in ay u cadaalad samayso bulshadoo dhan gaar ahaana dhalinyaradda, isla markaana haddii shaqaale dawladda loo qaadanayo in imtixaanka si siman loo wada gallo.

Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi, oo haatan ka tirsan ururka madasha wada tashiga,  waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad lagaga doodayay qabyaaladda oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Eng. Maxamed Xaashi, waxa kaloo uu sheegay in cadaalad darrada ugu weyn ay ku kacaan madaxda dawladda oo baal-maray shuruucdii iyo dhaartii ay ku mareen in ay cadaalad iyo sinaan bulshadda Somaliland oo dhan ugu adeegayaan.

“Muhiimadu waxay tahay, dawladbaynu noqonay, xisbiyo ayaynu samaysanay, waa in cadaalad lagu dhaqo dadka, oo dhalinyaradda laga warhayo, oo imtixaanadda looqaado si dadku u wada siman yihiin, oo haddii shaqo la bixinayo imtixaanka si siman loo qado.

waana  in eexashadda laga gudbo ayaa la gudboon dawladda maamulka haysa.

Midi-na waa mid muuqatoo, markii aynu dalka soo galnay, xoolo lamaynaan soo gelin. Laakiin, imika markaad sidaa u eegto, waxaad arkaysaa madaxdeenii oo guryo wada dhisatay. Taasina waa dhaliisha ugu weyn ee aynu leenahay”ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Isagoo ka hadlayay ficiladda foosha xun iyo eexda ay madaxda xukuumadu ku kacaan, waxa uu yidhi “Waxaa loo baahan yahay in dadku cadaalad hello, oo haddii qofka arrintiisu maxkamadaha tagto inuu cadaalad hello. Haddii shaqo la bixinayo inuu cadaalad hello.

Waxa inaga maqani waxa weeye, madaxdeena oo aan ku dhaqmaynin cadaaladii iyo kitaabkii ay gacanta saareen, oo  baal-maray. Dabadeed-na eexdu halkaas ayay ka imanaysaa, taasina way ka fool-xun tahay wixii hore ee jiray”.

Geesta kale siyaasi Maxamed Xaashi, ayaa ugu baaqay bulshadda Somaliland in looga baahan sidii ay madaxdoodda ula xisaabtami lahaan, isla markaana sidii cadaalad loo heli lahaa lagu dabo-gallo masuuliyiinta qaranka.

Waxaanu intaas raaciyay in masuuliyiinta xukuumadda laftoodda looga baahan yahay in ay lexejeclo u muujiyaan bulshadoodda iyo shaqaalaha dawladaba.

Waxaanu yidhi “Waxaa loo baahan yahay madaxda in aynu la xisaabtano, oo cadaaladda aynu ku daba-galno, oo qof kastaa cadaalad hello, haddii shaqo la bixinayo iyo haddii imtixaan la gelayaba.

Waana in dalka sinaan lagu dhaqo, dadka dadka shaqaalaha ahna baahidoodda la eego, oo in mushaharka ay qaadanayaan  ku filan yahay?

Ciidamadu mushaharka ay qaataan ma ku filan yahay? Ma loo kordhin karaa? Waa in arrimahaas laga fikiro.  Waana in ay  jirtaa kalgacayl iyo lexejeclo”.

 

 

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here