Madaxweyne Biixi iyo Safiirka Ingiriiska oo Ka Wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka

0
1559

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka dalka Ingiriiska Amb Mike Nithavrianakis oo safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay qodobbo door ah oo ay ka mid ahaayeen dardargelinta mashaariicaha kala duwan ee ay iska kaashadaan dawladaha Ingiriiska iyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo hawlaha qabsoomidda doorashooyinka ee la filayo inay sannadkan qabsoomaan  oo xukuumaddu dedaal badan gelisay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Ingiriiska, ayaa waxa ay kulankooda kaga wadahadleen xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal u dhexeeya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa safiirka dowladda Ingiriiska uga mahadceliyey, xidhiidhka sida ay muhiimadda u siiso mashaariicda labada dawladood gacanta ku hayaan, safiirkuna dhankiisa waxa uu madaxweynaha uga mahadnaqay hirgelinta Dimuqraaddiyadda iyo horumarka dawladnimo.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Dhinaca weftigana waxa ku wehelinaayey safiirka Ingiriiska, masuuliyiinta ugu saraysa Xafiiska Hargeysa uu ku leeyahay Ingriisku oo ay ka mid ahaayeen Ilyas Malek Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa, Christina Toepell oo ah ku xigeenka Madaxa xafiiska Hargeysa iyo Khadar Muxumed.

May be an image of 2 people, dais and text

May be an image of 5 people, newsroom, the Oval Office, dais and text

May be an image of 6 people, dais, the Oval Office and text

May be an image of 2 people, dais and text

May be an image of 3 people, newsroom, the Oval Office, dais and text

May be an image of 5 people, dais, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here