Xildhibaanada Golaha-Wakiillada Somaliland oo Ku Gacanseydhay Guddigii Uu Magacaabay Aadan Madoobe

2
3681

Hargeysa (Hargeisa Press) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan Guddi uu dhawaan Guddoomiyaha Baarlamaaka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ku sheegay inuu u magacaabay xaaladda magaalada Laascaanoood.

Xildhibaan Axmed Jaamac Saalax (Axmed Khaliif), Xildhibaan Maxamed Abiib iyo Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo u waramay Idaacada VOA-da, ayaa waxaa ay si adag ugu gacanseydheen Guddigaasi uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana ay Xildhibaanadu sheegeen inay Somaliland u taalo xalka iyo nabadda magaalada Laascanood ee aanay Soomaaliya u oolin.

Xildhibaan Axmed Jaamac Saalax (Axmed Khaliif), ayaa waxaa uu sheegay in magacaabista Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, aanay waxba ka bedelayn xaaladda magaalada Laascaanood.

Xildhibaan Axmed Khaliif, ayaa sheegay in Somaliland tahay qaran madax-banaan oo iskii u jira islamarkaana leh nidaam gooniya iyo maamul gooni ah, isagoona sheegay in arrintaasi uu ku kacay Guddoomiyaha Baaarlamaaka Soomaaliya uu u arko arrin aan iyaga khusayn oo aan u oolin.

Wuxuu sheegay in ay Somaliland ku filan tahay xalinta arrimaha iyo dhibaatooyinka dhexdeeda, waxaanu tallaabadaasi ku tilmaamay mid laab-lakac ah, oo aanay guddi Soomaaliya laga soo magacaabay wax ka bedeli karin arrinta Laascaanood ka jirta, oo ay tahay arrin aan wanaagsanayn oo xaaladda ku sii kicinaysa.

Xildhibaan Axmed Khaliif, ayaa xusay in Soomaaliya ay dhibaato ugu filan tahay ta Xamar ka jirta oo maalin walba dadkoodii la qarxinayo oo dhibaato lagu hayo, islamarkaana Aadan Madoobaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ah ay ilaaliyaan Ciidamo Yugaandhiis ahi.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Abiib oo isna arrintaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay khiyaali iyo iska hadal ay tahay in guddigaasi uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay tagaan magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale, Xildhibaan Mustafe Khayreeye, ayaa isna tallaabadaasi uu ku kacay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay tallaabo gardaro ah islamarkaana dhaawac weyn u geysanaysa heshiiskii labada dowladdood ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay in ka qaran ahaan ay aad uga xun yihiin tallaabadaas uu qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ay tahay arrin gef iyo gardaro ku ah Somaliland.

Xildhibaanadan, ayaa waxaa ay tacsi u direen dadkii ku dhintay rabshadaha magaalada Laascaanood, iyagoona shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan nabadgelyadooda.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here