Xildhibaanada Golaha Deegaanka Boorama oo La Dhaariyay

0
1357

Boorama (Hargeisa Press) – Maxkamadda gobolka Awdal, ayaa waxaa ay maanta si rasmi ah u dhaarisay Xildhibaanada cusub ee golaha Deegaanka ee degmada Boorama.

Xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Boorama oo ka kooban 13 Xildhibaan, ayaa waxaa dhaariyay Sheekh Maxamed Siciid Samaale oo ka tirsan maxkamadda gobolka Awdal.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo hadal kooban oo uu ka jeediyay madasha lagu dhaarinayay Xildhibaanadaasi cusub ee golaha deegaanka ee degmadaas, ayaa sheegay in xubnahaasi hadda uu saaran yahay xil wayn, oo bulshada ku nool degmada Boorama u dooratay.

Waxaanu xildhibaanadaasi cusub u soo jeediyay in ay xilkaas u gutaan si masuuliyadi ku jirto, kana shaqeeyaan horumarka bulsahda ku nool degmada ay matalaan.

Guddoomiyaha gobolka Awdal, ayaa sidoo kale wuxuu Xildhibaanadaasi ku wergeliyay in maalinta beri ah ay yeelan doonaan fadhigii ay ku dooran lahaayeen Maayirka iyo Maayir ku xigeenka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here