Xildhibaan Mustafe Qodax oo Madaxweyne Biixi Ku Ammaanay Soo Celinta Hantida Qaranka Ee Wareejiyay Siilaanyo

0
1190

Muqdisho (Hargeisa Press)- Xildhibaan Mustafe Qodax oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa amaan kula dul dhacay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Waxaa uu Xildhibaan Qodax Madaxweyne Muuse Biixi ku ammaanay soo celinta Hantida qaranka ee Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo wareejiyay.

Xildhibaanka Mustafe Qoddax ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu dalka uga lexejeclo badan yahay Madaxweynihii ka horeeyay ee Axmed Siilaanyo.

“Anigu kamaan eegin xaga mashaariicda cusub, waxanse ku taageeray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi bilowgii xukuumadiisa waxa uu qarameeyay oo uu gacanta dawlada kusoo celiyey hanti badan oo si qaldan dad gaara loogu gacan galiyey sida haamihii kaydka, liisankii baabuurka iyo waddo marista, shirkadihii loo sameystay dhaqaale urursiga ee madaarka sida tii parkinka iyo tii xamaalista ama clearance ka iyo qaar kale.”ayuu yidhi Xildhibaan Mustafe Qodax.

β€œWaxa kale oo aan aaminsanahay inuu uga lexejeclo badan yahay dalka xukuumadii isaga ka horaysay ee lagu sawiray Odaygii Siilaanyo, laakinse ay ka taajireen dad kale oon la dooran oo ka faa’iidaystay dayacnaantii xilka Madaxweynaha”.ayuu intaasi sii raaciyay Xildhibaan Qodax.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here