Xildhibaan ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Tirsanaa Xisbiga WADDANI Oo Iska Casilay Xisbiga WADDANI Kuna Biiray Xisbiga KULMIYE+Magaca Xildhibaanka

0
980

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaan Naasir Cali Shire oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland kana tirsanaa xildhibaanada xisbiga WADDANI ugu jira golaha wakiilada ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xisbiga WADDANI kuna biiray xisbiga KULMIYE.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu maalmaha soo socda ku biirayo xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka hadlaya go,aanka uu qaatay ayaa waxa uu yidhi “Runtii arinta ku saabsan inaan maalmaha soo socda u diga rogan doono xisbiga Kulmiye waa war sax, anigu waxaan ka mid ahaa aas aasayaashii xisbiga Ucid waanan ka soo baxay xildhibaan ahaan gobolka Togdheer, waa la ogaa dhibaatadii ku dhacday xisbigaasi wakhti wakhtiyada ka mid ah taas oo I gayeysiisay inaan soo raaco saaxiibadaydii hore oo aan ka mid noqdo xisbiga Waddani, laakiin bilihii ugu dambeeyey ee sanadkan 2017 waxaan aad uga fikirayey mustaqbalka somaliland halka uu tagayo, markaan eegay sadexda murashax ee qarankan hor taagan yaan is leeyahay waa murashaxii badbaadin kara somaliland oo guul iyo riyadii somaliland ee horu marka, ictiraafka iyo dawlad qaran u horseedi kara.”

Xildhibaan Naasir oo ka jawaabaya go,aamada iska hor imanaya ee uu ku kala taageeray qaar ka mid ah murashaxiinta ayaa waxa uu yidhi “Horta siyaasadu wax meel taagan maaha, waxaanay la socotaa duruufo gaar ah, cabdiraxmaan Cirro waa saaxiibkay oo mudo 20 sano ah ayaanu soo wada shaqaynaynay  laakiin waxaan is leeyahay malaa cida dalkan ka saari karta dhibaatada jirtaa maaha isaga, waxaan is leeyahay ninka ku habooni waa murashax Muuse Biixi.”

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxa ku dhacday magaalo ku taala dalka Maraykanka gobolka la yidhaa Texas ayaa waxa la dooranayey degmadaa cidii xukumi lahayd, gabadh madow oo ku soo dhaawacantay Ciraaq oo lugi ka goday ayaa ka mid ahayd  dadkii isku sharaxay xilkaasi, dadkii oo dhami waxay dooratay gabadhii waxaanay yidhaahdeen gabadhaas dalka u dhaawacantay waa muwaadinad mar haddii ay u dhaawacantayna waanu dooranaynaa, maantana waxaan qabaa in murashax Muuse Biixi yahay waddani qarankan u soo halgamay kuna haboon in xilka loo dhiibo.”

Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa ka hadlay in go,aanka uu qaatay uu xidhiidh la leeyahay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa waxa uu yidhi “Aniga arinkaygu wuu ka horeeyey Siciid Cilmi Rooble, sanad iyo dheeraad ayuu arinkaygu soo jiitamayey aniga oo aan wax hawlo ah la qaban xisbiga Waddani, mudadaasna waxan uu ku jiray talo urursi iyo fikir, ugu damayna waxaan go,aansaday go,aankan aan maanta qaatay, waxaanan odhan karaa noloshayda intii aan ku jiray siyaasada waa markii ugu horaysay ee xisbi aan ka tirsanahay kala wareegay caqligaygii iyo maskaxdaydii oo aan u geeyey xisbiga Kale.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here