Xildhibaan Ibraahin Buubaa Oo Sharaxay Qodobo Madaxtooyadu Soo Jeedisay In Wax Ka Bedel Lagu Sameeyo Oo Ku Jira Xeerka Booliska

0
851

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyey soo jeedin wax ka badal oo ay madaxtooyadu u soo gudbisey in lagu sameeyo qodobo muhiim ah oo ka mid ah xeerka nidaamiyaha booliska oo hore looga ansixiyey aqalka golaha wakiilada iyo guurtidaba, waxaana uu sheegay in qodobada ay madaxtooyadu soo jeedinta ku samaysay ay ka mid yihiin in wax ka badal lagu sameeyo goorta askriga booliska ahi uu xabad nool u adeegsan karo qofka shicibka ah,  samaynta komishan la xisaabtan ku sameeya askarta booliska cabashooyinka ka dhan ka ah askariga booliska ah ee ku xad gudba xuquuqda qof shicib ah.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta.”Xeer dejinta golaha wakiilada iyo guurtidu waxaa ay hore u ansixiyeen xeerka nidaamka booliska ee Jamhuuriyada Somaliland,xeer kaasi oo runtii ah xeer aad loogu baahan guud ahaanba dalku iyo dad weynahuba, ku dhaqankiisa, runtii xeerkasi in badan ayaad aragteen, dad weynaha reer Somaliland oo ka cabanaaya falal, ciidamada boolisku ay kula kacaan had iyo jeer dad weynaha iyo qaabka ay ula dhaqmaan intaba xeerkii kala xadeynaayey xuquuqda Askariga bileyska ahi leeyahay iyo xaqa uu qofka muwaadinka ahi leeyahay, xeer muhiim ah oo ku dhaqankiisa aad iyo aad loogu baahna ayuu ahaa.

Muddo ayaa hadda ka soo wareegtay markii uu golahu uu ansixiyey ee madaxweynaha loo gudbiyey, nasiib darro madaxweynahu muu saxeexin ku manuu dhaqmin, waxaa uu ku soo celiyey golaha wakiilada isaga oo waliba qodobo badan oo qodobadii ugu muhiimsanaa ah xeerka wax ka soo badalay, arrinta maanta golaha hortaagan ee illaa doraad illaa shalay iyo waliba illaa maanta lays mari la’yahay,waa arrintaa arrin taabanaysa weeyaan, haddaan qodobada wax kaaga taabto madaxweynahu uu wax ka soo badalay waxaa ka mid ah qodobada muujinaaya ama tilmaamaya goorta uu qofka bileyska ahi uu xabad nool adeegsan karaayo, waad aragteen oo ninka bileyska ahi imika waxa uu doono ayuu iska faraqaa oo rasaasta cirka ayuu u ridaa, ciidankeenu waa ay wanaagsan yihiin, tobabar fiican waa ay leeyihiin, laakiin hadana in ay qawaaniinta iyo shuruucda ay bartaana waa loo baahan yahay, waxaa ka mid ah qodobadaa goorma ayuu xaq u leeyahay askriga bileyska ahi in uu xabad nool adeegsado, qofka muwaadinka ah maxaa isagu uu xaq ugu leeyahay, qaab noocee ah in uu ula dhaqmo qofka bileyska ahi qabashadiisa, xadhigiisa xidhistiisa, hayntiisa, iyo la dhaqankiisa intaba”Ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Md:Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa isaga oo sida oo kale hadalkiisa sii wata waxaa uu u soo jeediyey xildhibaanada aqalka golaha wakiiladu in ay xeerka boolisku sidii hore uu golaha kaga ansaxay ay dib ugu celiyaan aqalka golaha wakiilada.

“Waxa kale oo qodobada muhiimka ah ku jirey, bileyska in cidii ka cabanaysa ay hesho Komishan qaran, oo dee maaha uun dee in taliyihiisa laga dacweeyo uun, waayo taliyahiisu wax badan oo askarigiisu sameeyey ayuu iska indha tiri karaa,ama uu baal mari karaa, markaa waxaa la sameeyey oo uu xeerku tilmaamaya gudi khubaro ah, oo ka tirsan saraakiil bileys ah, dad aqoon yahano ah, xubno culimo awdiin ah, gudi farsamo oo noocaas ah, oo ah gudiga cabashada ka dhanka ah bileyska loogu talo galey, waxyaabahaas oo dhamo waxaa ay ahaayeen waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee xeerka ku jirey ayey ahaayeen wax tarkana leh ayey ka mid ahaayeen, dhamaantoodna madaxweynahu waa uu soo wada badalay, wax ka badalkaa uu ku sameeyey ayaa hada golaha horyaala, waxaana ay golahu wadaan oo ay jecel yihiin haddii xeerka qodabadaa laga saaro, in uu noqonaayo macno la’aan, oo uu xeerkaasi samaynayaa ama uu tilmaamayaa ama kala xadeyn ah, oo xuquudii bileysku ay dadka ku lahaayeen ama xaqii uu qofka shicibka ahi uu ku lahaa bileyska meesha waa ay ka baxaysaa, sidaa daraadeed waxaan rajaynaa in sidii uu xeerkaasi markii hore golaha kaga baxay ay golahu madaxweynaha mar labaad ugu gudbiyaan, taas ayaa hortaala golaha wakiilada, kuna dadaalayaa in sida ugu dhakhsaha badan ay maanta(Shaley) ama bari(Maanta) u soo afjari lahaayeen”Ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Xeerkan ciidanka booliska(Xeer.Lr.63/2013), oo hore aqalka golaha wakiilada looga ansixiyey isla mar ahaantaana xukuumada Siilaanyo ay dib ugu soo celisay golaha wakiilada, ayaa wargeyska Geeska Afrika oo helay nuqul ka mid ah qoraal soo jeedin ah oo uu ku saxeexan yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ismaaciil(Saylaci) oo  wax ka-beddel iyo wax ka saaridba ku soo sameeyey qodobada 16-aad,17-aad,32-aad,34-aad,36-aad,44-aad,45,aad iyo 46-aad ee xeerka ciidanka booliska( Xeer.Lr.63/2013) u soo gudbiyey aqalka golaha wakiilada Somaliland.

Waxaana qodobada ugu muhiimsan ee madaxweyne ku xigeenku soo jeedinta ku sameeyey ka mid ah qodobka 16-aad, farqadiisa 7-aad oo u dhigan sidan:-“Ciidanka boolisku xabad nool uma adeegsan karaan dad aan hubeysnayn, hadday dhacdana wax ka ma’suul ah ciddii amarka bixisay”, waxaana qoraalka soo jeedinta ah ee madaxweyne ku xigeenka lagu sheegay in qodobkani uu ka hor imanaayo shuruucda guud ee dalka iyo sida oo kale xaaladaha sharcigu u ogal yahay in la adeegsado hubka fudud. Sidaas darteedna waxaa soo jeedinta madaxweyne ku xigeenka lagu sheegay in qodobkan kor ku xusan gabi ahaanba laga saaro xeerka ciidanka booliska.

Qodobada kale ee iyaguna halkaasi ku jirey ayaa waxaa ka mid ahaa qodobka 17-aad, farqadiisa 5-aad,ee xeerka ciidanka booliska oo markii hore sheegayey “Sarkaalka u dira hawl aan sharciga waafaqsanayn  xubin ama koox ciidanka booliska ka mid ah, isaga ka mas’uul ah wax kasta oo khalad ama gef khasaare ka yimaada hawlgalkaa”, waxaana qodobkan soo jeedinta madaxweyne ku xigeenka lagu sheegay in uu wiiqayo awooda xil gudashada cidanka booliska sidaas darteedna loo qoro sidan” Sarkaalka u dirya hawl xubin ama koox ciidanka booliska ka mida waa in uu amaradiisu ku saleeyaa xeerarka dalka”.

Soo jeedintan Xeerkan ciidanka booliska ee ay xukuumadu u soo gudbisey aqalka golaha wakiilada ayaa loo balan sanyahay maalinta Sabtida ee soo socota, waxaana illaa hada muuqda in badiba xildhibaanada aqalka golaha wakiiladu ay ku kala aragti duwan yihiin xeerkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here