Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Kulan La Yeeshay Muuse Biixi iyo Qodobada Uu Kala Hadlay

0
888

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kulan uu habeen hore la yeeshay Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi wuxuu kala hadlay Arrimo khuseeya sidii loo tayayn lahaa Xisbiga Kulmiye islamarkaana la iskugu xidhi lahaa Laamaha Qurbaha iyo Xarunta dhexe.

Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay kulankaasi Madaxtooyada, haddana Xogo ay HargeisaPress.com ka heshay kulankaasi ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo u bandhigay Muuse Biixi in la dhimo guuxa iyo loolanka Ka dhex jira Kulmiye inta uu dhamaysanayo labadiisa wakhti,isagoo Madaxweynuhu xusay in loolanka socdaa waxyeelayo Xisbiga iyo taageerayaashiisa.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Muuse Biixi u soo jeediyay inuu muujiyo Odaytinimo islamarkaana soo dhaweeyo dadka ay siyaasadda isku hayaan ee Xisbiga dhexdiisa,waxa kale oo madaxweynuhu hogaanka Kulmiye ka codsaday inuu xoojiyo xidhiidhka Laamaha dibada ee Xisbiga islamarkaana lagu soo xidho xarunta dhexe ee Hargeysa.

Dhanka kalena Xoguhu waxay intaasi ku dareen inMuuse Biixi Madaxweynaha u bandhigay inuu cafiyo Wasiir xigeenkii hore ee Amniga Cabdillaahi Abokor oo la xidhay wakhti khilaaf u dhexeeyay Kulmiye islamarkaana Maxakamadi ku xukuntay saddex sano. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu aqbalay Cafis uu u fidiyo Cabdillaahi Abokor islamarkaana uu tilmaamay in la diyaarin doono warqadda Cafiska.

Kulanka Madaxweynaha iyo Muuse Biixi oo qaatay wakhti dhan saacad iyo badh ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay yeeshaan tan iyo markii uu Jimcihii Madaxweynuhu Xubnaha Kulmiye ku loolamaya ugu baaqay inaanay ku xiiqin waxaan jirin. Lama oga inuu dhinaca kale ee Wasiirka Maaliyadda iyo Arimaha dibadana sidan oo kale ula hadli doono ka sakow farriintii uu u mariyay saxaafadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here