Xildhibaan Faratoon Oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Nabada Ee Beelaha Yagoori

0
417

Yagoori (HP): Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabada ee ay wada gaadheen beelaha walalaha ah ee Siyaad Maxamuud oo muddo ka socday degmada Yagoori ee gobalka Sool.
Xildhibaan Faratoon, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ee laga soo doorto gobolka Sool, isla markaana qayb ka ahaa shirkii lagu nabadaynayay beelahaasi ayaa ku bogaadiyay heshiiska ay gaadheen.


Shirka lagu dhex dhexaadinayay labadaasi beelood oo horaantii bishii hore ka furmay degmadda Yagoori ee gobolka Sool ayaa shalay la soo gebagabeeyay, iyadoona halkaasi laga soo saaray heshiis la dhex dhigay beelahaasi.
Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo goob joog ka ahaa furitaankii shirkaasi iyo mudadii uu socday ba ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aamadda laga soo saaray shirkaasi.
Waxaanu rejeeyay xildhibaan Faratoon, in heshiiska beelahaasi hormood u noqda nabada, barwaaqada iyo walaaltinimada bulshadda ku dhaqan gobolka Sool iyo shacabka jamhuuriyada Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Waxaan soo dhawaynayaa heshiiska nabada ee beelaha walalaha ah ee Siyaad Maxamuud, maanta ay ku gadheen degmada Yagoori ee gobalka Sool.
Waxaan rejaynayaa inuu noqdo heshiis hormuud u noqda nabada, barwaaqada iyo walaaltinimada bulshadda ku dhaqan gobolka Sool iyo shacabka jamhuuriyada Somaliland.
Nabadda maanta dhalatay ALLE SWT ha ka dhigo mid sii waarta” ayuu ku yidhi xildhibaan Faratoon, qoraal kooban oo uu arrintaasi kaga hadlayay oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

Dhinaca kale shirkaasi oo furmay lixdii bishii December ee ina dhaaftay ayuu xildhibaan Faratoon, oo hadal ka jeediyay waxa uu ku guubaabiyay labadda beelood ee la heshiisiinayay in ay go’aamadda ka soo baxa qaataan.

Waxaanu xildhibaan Faratoon, furitaankii shirkaasi ALLE uga baryay madax dhaqameedka labadda beelood ka dhigo mid ay ka soo baxdo nabad waarta oo midho dhasha.

Hargeisa Press.om/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here