“Waxaanu balan ku qaadaynaa Garoowe in aad ka qaxdaan haddii aad joojin waydaan colaadda”… xildhibaan Nac Nac

0
788

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye oo ku magac dheer (Nac nac), ayaa sheegay in Puntland ay ka qoomamoon doonto haddii ay joojin waayaan dagaalka iyo colaadda ay ku baaqayaanka.

Xildhibaanka oo  ka jawaabayay hadallo ka soo kala yeedhay masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo iclaamiyay in ay Somaliland dagaal la gelayaan ilaa inta ay ka haystaan dhulka ay sheegtaan Puntland.

Sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash iyo ninka badhasaabka ka ah gobolka Nugaal.

Sidoo kale xildhibaan Nac Nac, waxa uu ka hadlay afar iyo tobakii maxaabiis ee ay Somaliland todobaadkan ku wareejisay Puntland oo uu sheegay in si fiican loo sii sagootiyay, halka afar maxbuus oo ay Puntland ku soo wareejisay Somaliland-na uu ka muuqday dayac aad u badan.

Xildhibaanka oo ka hadlayay arrinta maxaabiista la isku wareejiyay iyo sida xaaladoodu u kala duwanayd waxa uu yidhi “Waxaan aad ula yaabay, maamulka Puntland oo nin badhaasaab ah oo hadlay yidhi maxaabiista ay Somaliland sii daysay anaga nooma dhama.

Iyadoo maxaabiistaa Puntland garoonka diyaaradaha Hargaysa laga dhoofiyay, kuweeniina ay ka soo degeen. Afar iyo tobanka maxbuus ee Puntland ee la sii daayay, waxay xidhnaayeen Suudhadh, mid waliba Boorso ama Shamdad ayuu sitay, oo masuuliyiintii qaranka ayaa sii sagootiyay.

Inaga-na (Somaliland) afar nin oo maxaabiis ahaa ayay inoo soo daayeen, oo mid waliba Bac ayuu sitay, oo Cidiyihii ayaa ku baxay, oo Timihii ayaa ku baxay”.

Geesta kale xildhibaan Nac Nac, ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay ogaadaan in Puntland ay dagaal hurinayso, wixii dhibaato ah colaadda ay ku baaqayaan ka yimaada-na ay iyagu masuuliyadeedda yeelanayaan.

Waxaanu wacad ku maray in ciidamadda qaranka Somaliland ay awood u leeyihiin in ay iska difaacaan kuwa Puntland haddii ay weerar gar-daro ah ku soo qaadaan, isla markaana ay Puntland ka qixi doonaan caasimadoodda Garoowe.

waxaanu yidhi “Markaas ayuu hada-na ninka Puntland u hadlay leeyahay, inta Sool iyo Sanaag aad ka baxaysaan, nabad ma qaadanayno, ee waa inoo dagaal. Aduun weynaha waxaanu tusaynaa nimankaasi in ay dagaal nagu iclaamiyeen, waakaas ee aduunku ha ogaado.

Waxaanu balan ku qaadaynaa anagu-na (Somaliland) Garoowe in aad ka qaxdaan, haddii aad joojin waydaan colaadda aad ku baaqaysaan.

Ciidanku waa ciidankii, Somaliland-tu waa Somaliland-tii. Nimankii aad taqaaneen oo sii xoogaysanaya ayuun baanu nahay”.

 

“Waxaanu leenahay haddii aad Puntland-neey ka qixi waydan Garoowe, oo aad Farta dhexda ka qaniini waydaan, Somaliland-ba ma nihin”ayuu yidhi xildhibaan Nac Nac, oo maalintii ciidda la hadlay SAAB TV.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here