Xafiiska Garyaqaanka Guud oo Ka Hadlay Nidaamka Loo Maray Gaadiidkii Ay Maxakamadu Xukuntay

0
1930

Hargeisa (Hargeisa Press)-Xafiiska garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland, ayaa sheegay xukuumadda Somaliland ay sifo sharciya ay ciidamada booliska ugu wareejisay gaadiidka ay buufiyeen ee lagu soo qabtay iyaga oo sifo sharcidaro ah dalka u soo gelinaya Qaadka oo muddo 25-cisho waddanka laga hakiyay keenistiisa sababo la xidhiidha ka hortaga faafitaanka xannuunka Covid-19 awgii.

Ku xigeenka garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland mudane Xuseen Maxamed Jaamac Balal ayaa sheegey in talaabada ay maxkamaddu kula wareegtay ay aheyd mid loo maray nidaamkii sharciga ahaa, islamarkaana maxkamadu gaadiidkaasi iyo dadkii lahaaba ay xukuntay ciidamada booliskuna iyaga oo fulinaya amarka maxkamada ay buufiyeen gaadiidkaasi.

Waxaanu sidan ka sheegay garyaqaan Balaal wareysi uu maanta siiyay Telefiishanka Codka Bariga Afrika.

Ku xigeenka garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland mudane Balal waxaa uu caddeeyay in maxkamaddu raacday xeerarka dalka iyo go’aamadii guddida ka hortaga xannuunka Covid-19 “Sidaan warbaahinta ka arkeynay nidaam ayaa la mariyey oo maxkamadd ayaa la saaray, maxkamada ayaana xukuntay waxaanay xukuntay in hantidiina lala wareego qodobo sharcina ay adeegsanayeen, ama ha deegsadaan xeerkii kastamada, ama ha adeegsadaan xeerkii ciqaabta guud oo shan boqol ee qodobadii noocaasi ahaa, marka talaabooyinka la qaaday oo dhammi kuwo maxkamadd loo maray ayay aheyd, oo cidii ka cabanaysa in gef ku dhacay ama si khalada gaadiidkoodii loola wareegay waxaa u banaan in looyaraddu ay u doodaan ugana doodaan maxkamaddaha ka sareeya”

Ku xigeenka garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland mudane Xuseen Maxamed Jaamac Balal ayaa dhinaca kale xusay in cidii arrintaasi dacwad ka qabta ay dacwadooda ugudbiyaan hay’addaha garsoorka ee dalka islamarkaana ay looyaro u qabsadaan dacwadoodaasi “Maxkamaddu waxaa ay raacday xeerarkii dalka iyo go’aankii guddida marka cidii cabasho ka qabta xukunadda maxkamadda waa in maxkamaddaha ka sareeya ay u cawddan, laakiin xukun ayay maxkamadi riday oo gaadiidka ku wareejisay booliska, booliskana xukunkaasi ayay maxkamadu dhaqan-gelisay oo markiiba ay ku wareejisay marka xaalada lagu jirana waala qiimeynayaa, cidii cabasho ka qabtaana waa in maxkamada ka sareeya ay tagaan oo looyaro qabsaddan”

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here