Ra’iisal Wasaare Khayre: Dalkayaga Soomaaliya Ma Dhamaystirna Inta Ay Maqanyihiin Walaalahayo Somaliland

0
4603

Muqdisho (Hargeisa Press)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay inuu aaminsanyahay inaanay Soomaaliya dhammaystirnayn inta ay maqanyihiin shacabka reer Somaliland.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre oo khudbad u jeediyay beesha caalamka 28 April, ayaa khudbadaas wuxuu ku sheegay inay doonayaan inay dib u soo celiyaan midnimadii Soomaaliya ee xorriyada qaadatay sannadkii 1960.

“Gundhiga doodu, waa doodda dib u midaynta dalkayaga. Waxaanu rumaysanahay in dalkayagu aanu dhammaystirnayn iyadoo ay maqanyihiin walaalkahayaga reer Somaliland.” ayuu yidhi Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre oo intaas raaciyay “Waxaanu rabnaa inaanu dib u dhisno Soomaaliyadii aanu xorriyada ku qaadanay.”.

Hadalkan ayuu Xasan Cali Khayre kula hadlayay dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka amni iyo dhismaha kaabayaasha dawladda uu madaxda ka yahay.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here