Mas Laba Carruur oo Walaalo Ah Ku Dilay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag

0
2061

Ceerigaabo (Hargeisa Press) – Laba carruur ah oo da’doodu ka hooseyso 10 jir ayaa u geeriyooday qaniinyo kasoo gaadhay Mas nooca loo yaqaano gugumada, waxayna ku sugnaayeen dhul miyi ah oo hoos yimaada degaanka Xingalool ee gobolka Sanaag.

Sida uu sheegay guddoomiyaha Xingalool Yuusuf Faarax Siciid, labadan carruur ayaa bahalku ku helay iyagoo hurda meel aan ka fogayn aqalkooda, waxaana uu sheegay inaan magaalada lalasoo gaadhin iyagoo nool.

Dadka degaanka oo dabagal ku sameeyay raadka bahalka, ayaa ku guulaystay inay markii dambe helaan oo dilaan bahalka, iyagoo isticmaalayay Ullo iyo dhegxaan.

Labada carruurta ah ayaa maanta lagu aasay Xingalool.

Waa markii ugu horeysay dhacdo noocan ah ay ka dhacdo degaankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here