“Wuxuu ka mid yahay mashaariicda waaweyn ee laga hirgeliyay Caynaba”…

0
604

Caynaba (HP): Xubno ka tirsan golaha wasiiradda Somaliland oo maalmahan ba ku sugnaa gobolka Saraar ayaa maanta kormeeray mashaariicda horumarineed ee  ka socda magaaladda Caynaba ee xarunta gobolka Saraar.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, iyo wasiirka Caddaalada Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa shalay kormeer ku tegay garoonka kubbadda cagta Caynaba oo dhismihiisu ka socdo duleedka magaaladda Caynaba.

Garoonkan oo dhaqaalaha ku baxaya ay bixisay xukuumadda Somaliland ayay imika qaybtiisii hore dhammaatay.

Waxaana wasiirrada warbixin ka siiyay dhismaha garoonkaasi iyo halka uu marayo isu-duwaha wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ee gobolka Saraar Xuseen Axmed Cawed, iyo badhasaab ku xigeenka gobolka Saraar Abokor Shide Cali.

Waxaanay tilmaameen in dhismaha garoonkani ka mid ahaa balan qaadkii madaxweyne Muuse Biixi, uu u balan qaaday dhalinyaradda gobolka Saraar.

Iyaga oo cadeeyey in madaxweynuhu fuliyay balanqaadkaasi, isla markaana imika la sugaayo dhamaystirka wejigii labaad ee dhismaha garoonka kubada cagta Caynaba.

Dhinacoodana wasiirrada wasaarraddaha Caddaalada Saleebaan Warsame Guuleed iyo Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo iyagna halkaas ka hadlay ayaa dhismaha garoonkaasi uga mahad celiyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wasiirradu waxay u mahad celiyeen wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, iyo wasaaradda Hawlaha Guud, iyo Guddida Qandaraasyadda Qaranka iyo shirkadda dhisaysa garoonkaasi.

Wasiirka xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa balan qaaday in la dhamaystiri doono dhismaha garoonkaasi oo wakhtigan ay u hadhsan yihiin dhismaha Tarabuunka Garroonka iyo dhigista Roogga Cagaarran.

 

DAAWO: Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Oo Ka Warbixinaya Mashaariicda Ay Kormeereen:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here