“Haddii ururadda la furi waayo waa in aynaan codkeena bixinin”…

0
291

Boorama (Hargeisa Press): Siyaasi C/laahi Ibraahim Habane (Clhaai-dheere), ayaa si weyn u dhaliilay gebi ahaanba hanaanka dawladnimadda ee Somaliland iyo  nidaamka loo marrro samaynta axsaabta siyaasadda.

Waxaanu sheegay in nidaamka dawladnimo ee Somaliland uu noqday mid ay ku addeegtaan, isla markaana ku faa’iidaan hadba beesha uu ka soo jeeddo madaxweynaha xilka haya.

Taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa sida ay Somaliland uga leexatay dariiqii dawladnimo uguna dhuratay in hadba qabiilka xilka hayaa uu sad-bursiiyo iyo mashaariic horumarineed ka faa’iido dawladnimadii la wada lahaa.

Siyaasi C/laahi Dheere, ayaa intaas raaciyay hanaanka dawladnimadda Somaliland uu noqday mid lagu gumeeyo ama loogu amar ku taagleeyo beelaha darafyadda oo aan inta badan iyagu qaban kursiga ugu sareeya dalka.

C/laahi Ibraahim Habane (C/laahi-dheere), waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay bandhiga dood wadaaga Boorama book fair, oo ay haayadda Xikma sanadkiiba mar ku qabato magaaladda Boorama, oo uu marti ku ahaa.

Geesta kale C/laahi Dheere, ayaa si xun u dhaliilay nidaamka ay ku salaysan yihiin samaynta xisbiyadda siyaasadda ee Somaliland taasoo uu ku tilmaamay mid ku salaysan qabiilnimo.

Waxaanu u sheegay bulshadda reer Boorama ee uu la hadlayay in haddii uu madaxweyne Biixi, ururadda siyaasadda furi waayo in ay kula gor-gortamaan in aanay codaynin marka la gaadho doorashadda.

Siyaasi C/laahi Dheere, ayaa kula dar-daarmay bulshadda Awdal in ay is abaabulaan oo ay mustaqbalkoodda ka tashadaan, isla markaana ay heshiis la galaan xukuumadda.

Heshiiskaasi oo ku salaysan hanaanka xilalka dawlada loo qaybsanayo, sida deegaamadda dalka dhaqaalaha loogu qaybinayo, qaabka kuraasta siyaasadda loogu qaybinayo iyo arrimo kale.

 

DAAWO: Siyaasi C/laahi Dheere Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here