Wiil Dhalinyarro ah Oo Ku Geeriyooday Badda Berbera

0
2133

Berbera (Hargeisa Press.com): Wiil dhalinyaro ah maanta gelinkii danbe ku geeriyooday Badda Berbera, kadib markii ay liqday Badda oo ay ku dabaalanayeen koox dhalinyaro ah oo uu la socday wiilka dhintay.

Sida uu xaqiijiyay weriye Mukhtaar C/raxmaan, oo telefishanka qaranka Somaliland iyo idaacadda radio Hargaysa uga soo warama magaaladda Berbera, oo bartiisa Facebook ku baahiyay geeridda wiilkaasi.

Alle ha u naxariistee wiilka geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay  Ibraahim Cawil Yuusuf, isagoo marxuumku ka mid ahaa koox dhalinyarro ah oo ka soo safray magaaladda Burco.

Kuwaasoo la sheegay in u jeedadda ay Berbera u yimaadeen ahayd si ay Badda Berbera ugu soo dabaashaan, hase yeeshee wiilkaasi ayaa la sheegay in intii ay  guddo jireen dabaasha waxaa liqday Badda Batalaale

Waxaana inta badan dhacda in maalmaha fasaxa ee Khamiisaha iyo Jimceyaasha ay dhalinyaro fara badan oo kooxo ah  ay ka tagaan magaalooyinka kale ee dalka si ay ugu soo dabaashaan Badda Berbera.

Iyadoo ay marar  badan oo hore dhacday in sidan oo kale ay Badda Berbera ugu dhintaan dhalinyaro u dabaal tegay.

Geesta kale maydka wiilkaasi maanta ku geeriyooday Badda Batalaale ee Berbera ayaa la dhigay Talaagadda maydka cusbitaalka guud ee Berbera.

Halkaasoo lagula sugayo si ay waalidiinta iyo eheladii marxuumku uga qaadaan.

Dhinaca kale waxaan weli dhacdadan ka hadal masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera, kuwaasoo aan ilaa hadda wax faahfaahin ah ka bixinin siday wax dhaceen iyo waxa sababay midnaba.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here