Madaxda Xajka Soo Gudatay Ee Uu Boqorka Sucuudigu Casuumada U Sameeyay Iyo Madaxweyne Biixi Oo Aan Ka Dhex Muuqan

0
567

Makka,(HargeisaPress/Arab News)-Warbaahinta Arab News ee caanka ka ah dalka Sucuudiga  ayaa soo bandhigtay magacyada masuuliyiinta dunida Islaamka ee ka qayb galay casuumada uu boqorka Sucuudiga Boqor Salman sannadkan u sameeyay madaxda iyo dadka caanka ah ee ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka.

Warbaahinta Arab News, ayaa qortay in Boqor Salman uu Isniintii toddobaadkii tagay  kulan qaabilaad ah u sameeyay madaxda iyo shakhsiyaadka kale ee caanka ka ah dunida Islaamka ee sannadkan ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka.

Arab News, wuxuu soo bandhigay magacyada madaxda ka qayb gashay martiqaadka uu boqorku sameeyay oo ka dhacday qasriga Mina ee magaalada barakaysan ee Maka, waxaanay kala yihiin:

1 Madaxweynaha Yemen Cabd-Rabbu Mansour Hadi

  1. Raysalwasaaraha Djibouti Cabdoulkader Kamil
  2. Raysalwasaaraha Guinea Dr. Ibrahim Kasuri Fofana
  3. Raysalwasaarihii hore ee Ciraaq Haider Al-Abadi,
  4. Shaukat Sudhan, Madaxda xisbiga haya dalka dalka Mauritius oo sidoo kale ah madaxa arrimaha xajka
  5. Guddoomiyaha xisbiga Peoples Justice party ee Malaysia Anwar Ibrahim;
  6. Raysalwasaare-xigeenk Malaysia Dr. Wan Azizah bint Wan Ismail, oo sidoo kale ah Wasiirka arrimaha haweenka, qoyska iyo horumarinta bulshada ee Malaysia

Waxa kale oo madasha joogay guddoomiyayaasha baarlamaanada ee dhawr dal oo Islaam ah.

Warbaahinta Arab News, waxa kale oo ay soo bandhigay muuqaalka sawirka ah ee laga qaaday madaxda kulankaas ka qayb gashay, waxaana xusid mudan inaanu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ka dhex muuqan madaxda kulankaas ka qayb gashay, iyadoo ay xusid mudantahay in wargeyska caanka ah ee Al-Sharqal Aawsat uu sannadkii hore daabacay in Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici uu ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay casuumadaas uu boqor Salman sannadkii hore sameeyay. Madaxweyne Biixi ayaa dhawr muuqaal oo laga soo duubay waxa ka muuqda in hab maamuus wanaagsan ay dawladu Sucuudigu u samaysay, waxase la isweydiinayaa sababta u u uga baaqday casuumada Boqorka.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta Somalialnd ee soo gudatay waajibaadka Xajka oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay sababta uu Madaxweyne Biixi uga dhex muuqan waayay madaxda martida u ah Sucuudiga ee uu boqorku casuumay ayaa ka gaabsadya inuu jawaabo.

Madaxtooyada Somaliland ayaa hore u sheegtay in Madaxweyne Biixi uu la kulmi doono masuuliyiinta dawladda Sucuudiga marka uu dhammaysto gudashada waajibaadka Xajka.

Wargeyska Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here