WFP oo Markab Qamadiga Ukraine Ah U Soo Direysa Soomaaliya

0
4805

Kyiv (Hargeisa Press) – Markabkii shanaad ee sida qamadi oo u kireysan hay’adda cunnada adduunka ee WFP, ayaa soo gadhay magaalada dekada ah ee bada madow ee Chornomorsk ee dalka Ukarine.

Waxaana uu markabkani shixnadda raashinka ah UU gaadhsiin doonaa Soomaaliya sida ay sheegtay wasaaradda kaabeyaasha dhaqaalaha ee Ukraine Axada maanta ah.

Ukraine, ayaa hore ugu dirtay Qamandi dalalka Ethiopia, Yemen iyo Afghanistan kuwaa soo sii maray WFP.

Dhoofinta wax soo saarka beeraha ee Ukarine, ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu bilowday dagaalka uu Ruushku dalkaas ku qaaday.

Dekedaha ku yaala badda madow, ayaa ahaa marinka uu raashinkani sii mari jiray kaa soo isna xidhmay dagaalka awgii, waana sababta keentey sare u kaca cunada dunida iyo cabsida ku aaddan in Africa iyo Bariag Dhexe ay cuno yari wajahaan.

Sedex magaalo dekedeed oo ku yaalla Bada Madow, ayaa xannibaadii saarnayd laga qaaday dhamaadkii bishii July, ka dib heshiis dhex maray Moscow iyo Kyiv oo ay soo qaban qaabiyeen Turkiga iyo Qaramada Midoobay.

Wasaaradda, ayaa sidoo kale sheegtay maanta in isku geyn 5.8 Million oo Ton oo wax soo saarka beeraha dalkaas ah ay ka dhoofiyeen Ukraine tan iyo markii uu heshiiskaasi Qaramada Midoobay ay gadhwadeenka ka ahayd uu dhaqan galay.

Cunadaas, ayaa waxaa ka mid ahaa 114,700 oo tan oo ka shiraacday dekdaha badda madow, ku yaala waxaana waday 8 markab oo maanta ka shiraacday halkaas.

Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here