Cirro oo Ka Horyimid Muddo-kordhinta, Qaylo Dhaana U Diray Beesha Caalamka

0
1570

Hargeysa (Hargeisa Press) – Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa si weyn uga horyimid muddo kordhinta labada sano ah ee ay shalay Golaha Guurtidu u sameeyeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa marka hore sharci darro ku tilmaamay go’aanka Golaha Guurtida, wuxuuna tilmaamay in ka xisbi ahaan ay ka soo horjeedaan tallaabadaasi.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay inuu xaaraan yahay muddo kororsiga Madaxweyne Biixi, isaga oo intaas ku sii daray in wixii ka dambeeya13-ka November ayna u aqoonsaneyn madaxweyne.

Waxaa kale oo uu sheegay in arrintani ay dhaawacayso mustaqbalka Somaliland, gaar ahaan dimuqaaradiyadda doorashooyinka ee ku caan baxday Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sidoo kale baaq u diray beesha caalamka, “Beesha caalamka ee jecel wadajirka umada Somaliland iyo wax wadalahaanshaheeda  u sheegayaa, in go’aanka golaha guurtidu, aanu ahayn mid ku qotoma dastuurka, iyo xeerarka dhaqangalka ah, sidaas darteed xisbiga Waddani go’aanka wuxuu u arkaa mid xaaraan ah oo aanu aqbalayn” ayuu yidhi Musharax Cirro.

Tallaabada ay qaadeen Golaha Guurtida, ayaa aheyd mid la filayay, waxayna ku soo beegmaysaa, xilii todobaadkii hore guddiga doorashada Somaliland uu ku dhowaaqay in aanay xiligeeda ku qaban karin doorashada, uuna u baahan yahay ugu yaraan ilaa 9 bilood oo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here