Wejiga Saddexaad Ee Talaalka Covid-19 Oo Laga Daah-furay Laascaanood

0
484

Laascaanood (HP): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka daah-furtay wejigii saddexaad ee talaalka caabuqa Covid-19.

Talaalkaasi oo noqonaya kii sadexaad ee guud ahaan ka hirgala Somaliland gaar ahaana gobolka Sool.

Waxaa la dhigi doonaa xarumaha caafimaadka ee gobolka Sool ayaana talaalkaasi la dhigi doona.

Daah-furka talaalka Coronavirus waxaa si rasmiya u daah-furay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif, agaasimaha cusbitaalka guud ee Laascaanood iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa furitaanka talaalkaasi goob joog ka ahaa xubno ka mida golaha deegaanka Laascaanood iyo shaqaalaha iyo hawl wadeenadda fulinaya talaalkaasi.

Waxaana la talaali doonaa dadweynaha  ku kala nool lixda degmo ee waaweyn ee gobolka Sool iyo magaaladda Laascaanood, kaasoo laga heli doono ama dadka laga talaali doono shan xarumood.

Sida uu sheegay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sol Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif.

Geesta kale, Isku-duwaha ayaa dadweynaha ugu baaqay in ay tagaan xarumaha caafimaad ee uu ka socdo ama laga heli karro talaalka.

Waxaanu sheegay in talaalkaasi uu socon doona muddo kooban oo laba iyo toban  maalmood ah, sidaas darteedna ay dadweynuhu ka faa’iidaystaan.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here