Wasiirka Maaliyadda Oo Gabiley Ka Daah-furay Barnaamijka PFM-ka

0
389

Gabiley (HP): Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa maanta magaaladda Gabiley ka daah-furay barnaamijka lagu tababarayo shaqaalaha mashruuca PFM ka ee horumarinta iyo maamulka maaliyadda.

Waxaana furitaanka barnaamijkaasi ka soo qayb galay badhasaabka Gabiley, maayarka Gabiley, agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha.

Sidoo kale waxaa furitaanka kulankaasi ka soo qayb galay saraakiil ka socday barnaamijka PFM ka iyo haayadaha ay ka wada shaqaynayaan mashruucaasi.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shirre, oo hadal ka jeediyay xidhitaanka tababarkaasi ayaa sheegay in ay doonayaan in Somaliland ay noqoto dalka ugu horeeya ee lagu majeerto  daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka.

Waxaanu wasiirku degmooyinka kale dalka ku dhiiri geliyay in ay Gabiley ku daydaan, isla markaana ay hirgeliyaan mashruucaasi.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here